Jowhar oo lagu xiray dad lagu tuhmay amni darrada

Magaalada Jowhar Xarunta DG Hir-Shabeelle oo maalmihii dambe ammaankeeda laga deerinayay waxa ay Ciidamada amniga ka joogteen baaristaannada xaafadaha kala duwan ee Magaaladaas.

Howlgal qaatay saacado oo ka dhacay Xaafadaha Magaalada jowhar waxaa lagu xiray dad lagu tuhmayo amni darrada xarunta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo dhanka kale magaalo madax u ah Shabeelaha Dhexe.

Saraakiisha ammaanka ayaa Axadle u sheegay in dadka lasoo qabtay ay marayaan baarista hubinta, qofkii lagu helo fal dambiyeed loo gudbin doono hay’adaha shaqada ku leh oo la horgeynayo.

Ciidanka ammaanka ayaa goobo kala duwan isu geeyay dhalinyaro laga soo kala waday Xaafadaha Jowhar & Shaqsiyaad mararay waddooyinka meelaha sida gaarka ah howlgalka baarista ugu socday.

Magaalada Jowhar waxa ay dhawaaan martigelineysaa labo doorasho oo heer federal iyo heer Dowlad Goboleed ah, amniga ayaa laga deeriyay, kadib markii lagu toogtay Xildhibaanno sidoo kale ahaa Wasiiro katirsan maamulka.

Doorashada Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle, tan Guddoonka ilaa Hogaamiyaha & ku xigeenkiisa ayaa lagu wadaa in lagu qabto xarunta maamulkaas ee Jowhar, maadaama muddo xileedka Xukuumadda shaqeyneyso uu idlaaday.

Sidoo kale, bilaha November & December ee lagu soo wajahan waxaa Jowhar tagaya Senataro iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Shabeelaha Dhexe, halka sidoo kale loolan xooggan ay wadaan shaqsiyaad doonaya u tartamidda kuraasta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle ayaa shalay Muqdisho kula kulmay Wakiilka Midowga Afrika ahna madaxa Howlgalinta AMISOM Francisco Madeira iyo saraakiil kale oo ay kawada hadleen xasiloonida Jowhar iyo Nabadgalyada Doorashada.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More