Itoobiya oo xayirtay duullimaadka biyo-xireenka ay ka

Sawirkan dayax gacmeedka ah ee biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam ee wabiga Blue Nile ee gobolka Benishangul-Gumuz ee dalka Itoobiya.

Dowladda Ethiopia ayaa ka mamnuucday dhamaan duulimaadyada biyo xireenkeeda weyn ee ay ka dhisayso wabiga Blue Nile sababo amaan awgood, madaxa hay’ada duulista rayidka ayaa sheegay in madaxweynaha Itoobiya uu balanqaaday in biyo xireenka uu bilaabayo dhalinta korontada 12 bilood ee soo socota

Tallaabadani waxa sy sii xumayn kartaa muranka Itoobiya, Masar iyo Suudaan ee ku saabsan biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam oo ay ku kacayso $ 4 bilyan oo doolar, taasoo Qaahira ay sheegtay in ay khatar ku tahay biyo-soo-saarkeeda ugu weyn.

“Duullimaadyada oo dhan waa la mamnuucay si loo ilaaliyo biyo-xireenka,” ayuu yiri agaasimaha guud ee hay’adda duulista rayidka ee Itoobiya, Wesenyeleh Hunegnaw, oo diiday in uu bixiyo faahfaahin dheeri ah.

Isniintii khudbad uu u jeediyay baarlamaanka Itoobiya, madaxweynaha Itoobiya haweenayda lagu magacaabo Sahle Work Zewde waxay ku tiri: “Sannadkan wuxuu noqon doonaa sanad uu biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam uu ka bilaabi doono koronto dhalinta labada mashiin.”

Waxa kale oo ay sheegtay in ay socoto hawsha sidii awood loogu siin lahaa buuxinta labaad ee biyo xireenka 12ka bilood ee soo socda.

Bishii Luulyo, Itoobiya waxay sheegtay in ay ku guuleysatay sanadkeedii koowaad ee buuxinta biyo xireenka iyo roobka ka da’ayay deegaanka.

Ra’isalwasaare Itoobiya Abiy Ahmed ayaa bishii hore u sheegay Qaramada Midoobay in dalkiisu  uusan ujeedo kalahayn” in Sudan iyo Masar wax loogu dhibo biyo xireenka, maalmo kadib markii madaxweynaha Masar Abdel Fattah El Sisi uu ku celiyay walaac uu ka qabo mashruucan.

Toddobaadkii hore, taliyaha ciidamada cirka, Itoobiya Major Gen Yilma Merdasa ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in Itoobiya ay si buuxda ugu diyaar garowday in ay ka difaacdo biyo xireenka weerar kasta oo lagu soo qaado.

Itoobiya, Masar iyo Suudaan ayaa ku guuldareystay in ay heshiis ka gaaraan howlgalka biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam ka hor inta aysan Itoobiya bilaabin buuxinta keydka ka dambeeya biyo xireenka bishii July.

Biyo-xireenka ayaa udub dhexaad u ah dalabka Itoobiya ee ah in ay noqoto dhoofiyaha ugu weyn ee Afrika.

Qaab dhismeedku wuxuu qiyaastii 15 kiiloomitir u jiraa soohdinta Itoobiya ay la wadaagto Suudaan ee ku teedsan wabiga Niikal-buluug ah – waa qayb ka mid ah webiga Niil, kaas oo siiya dadka 100 milyan ee reer Masar qiyaastii 90 boqolkiiba biyahooda macaan.

Mareykanka ayaa go’aansaday bishii la soo dhaafay in uu joojiyo100 milyan oo doolar oo gargaar ah oo uu siin jiray Itoobiya iyadoo uu jiro muranka biyo xireenka. Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay xilligaas in go’aanka lagu xayiray xoogaa maalgelin ah oo ay siineysay Itoobiya ay keentay walaac laga qabo go’aanka Itoobiya ee keli ah ee ay ku billowday buuxinta biyo xireenka ka hor heshiiska.

Source: Reuters

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More