Bangiga dhexe  ma ku guuleysan karaa in uu ka badbaadiyo

Suuqa ganacsiga Bangiyada & xawilaadda ama diridda lacagta (Money Transfer Businesses (MTBs) ee Soomaaliya waxa ka furan ganacsi xoog leh oo saameyn toos ah kuleh dhaqaalaha Soomaaliya, sidaas awgeed Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa diiwaangeliyey islamaraakaana siiyey Ruqsadda howlgelidda 13 Bangi oo u badan bangiyo ganacsi oo gaar loo leeyahay.

Bangiga dhexe ayaa shaaciyey in Bangiyada qaatay ruqsadda shaqada iyo howlgalka ay qaarkood shaqo billaabeen halka qaarkalana iyaga oo haysta Ruqsadda aanay weli howlgelin, sababta lama xusin hayeeshee waxa suuragal ah in ay qaateen Ruqsadda kahor iyaga oo aan diyaar u ahayn ganacsiga Bangiyada sidaas daraadeedna ay raadinayaan hab ay u billaabaan howsha ganacsiga Bangiyada.

Sagaal Bangi oo kamid ah Bangiyada kadiiwaangashan Bangiga dhexe ayaa kahowlaga Waddanka iyaga oo bixiya adeegga ganacsiga Bangiyada, waxa ay kala yihiin

Premier Bank oo la aas-aasay 2013, ruqsaddana qaatay 2014
IBS Bank oo la aas-aasay 2014, ruqsaddana qaatay isla sanadkaas
Dahabshiil Bank oo la aas-aasay 2014
Salaam Somali Bank oo la aas-aasay 2009
Amal Bank oo la aas-aasay 2000
SomBank oo la aasaasay 2019
Agro Africa Bank oo la aas-aasay 2019
Daryeel Bank LTD
Amana Bank oo la aasaasay 2019,

Bangiyada qaatay Ruqsadda balse aan howlgelin 

MyBank Limited oo la aas-aasay 2018
Galaxy International Bank (GIB)
Bushra Business Bank
Idman Community Bank oo la diiwaangeliyey 2020

Bangiyadan ganacsiga ayaa qaarkood  ku guuleystay kobcinta iyo hagaajinta adeegga ganacsiga Bangiyada, waxa ay  kaalin fiican ka qaateen kaabidda ganacsiga yaryar, dhismaha, kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta hannaaka xisaabaadka dadweynaha,waxa kamid ah Bangiyadaas  Premier Bank, IBS Bank, Dahabshiil Bank & Salaam Bank,

Forakisley doonaya in ay isu rogaan Bangiyo 

Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku guuldareystay in uu sameeyo hannaan digniin iyo dareel dhaqaale ah oo uu ku difaaco dhaqaalaha shacabka si looga badbaado boobka iyo xatooyada ay ku kaceen  Shirkadihii Forex-leydu oo ay u suuragashay in ay dhacaan lacag malaayiin gaartay.

Bangiga dhexe  ma ku guuleysan karaa in uu ka badbaadiyo ganacsiga Bangiyada in ay soo dhexgalaan ama helaan shirkadaha Forex-leydu fursad ay isugu rogaan Bangiyo haysta Ruqsadda bangiga dhexe ee dalka kaddibna ay u geystaan dhac iyo boob k axeeldheer kana tira badan kii ay u geysteen habtida kumanaan qof oo Soomaali ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More