Sheekadii Xiisaha laheyd ee kurbo aduun iyo kadeed caashaq Qeybtii 13aad

Ma ogtahay in aan kugu dacweyn karo oo aan xaq sharciga ii siinayo taa maxaa yeelay xaaskeyga iyo wiilkeyga ayaad iga qarineysaa.

 

Idil:

Cadeyn ma u heysaa in aad wiilkaas adiga dhashay wax kale iskaba daayee magacaaga xataa kaarka cunuga laguma qorin

 

Sadiiq:

Si kastooy ay tahay xaaskeyga igama maanici kartid goobtaan waa goob shaqo markaad ka soo baxdo ayaan hadleynaa

 

Idil:

Sabab aan ku hadalno ma jirto

 

Sadiiq:

Anigaa rabo in aan kula hadlo cinwaanka gurigaaga I sii

 

Idil:

Waxba ha is daalin Amina gurigeyga ma joogto in guriga kaliya ee aad kaga shakineyso uu yahay waa ay ogeyd sidaa ayaa ay u go’aansatay in London oo dhan ay ka fogaado

 

Sadiiq:

Laakiin ii sheeg halkey aaday

 

Idil:

Taasi iyadaba ma rabto in aad ogaato sideen aniga kugu sheegaa

 

Sadiiq:

Iyada waa ay ii xanaaqsan tahay ee adiga ii sheeg waan ku baryaya

 

Idil:

Waxaa jirta rumeyso ama ha rumeysan in Amina Sahra aysan London joogin waliba England aysan waqti xaadirkaan ku sugneyn cida ay ka carartayna aad adiga tahay wax walba oo halkaan u yaalay waa ay qaadatay nolosheeda wixii iminka ka dambeeya arki meysid xataa accountigeeda wixii lacag ugu jiray waa ay la baxday sidoo kale baabuurkeeda anigaa lacag u celiyey hadaad doontana warqadihii waan ku tusin karaa.

Sadiiq oo qushuuc galay ayaa yiri

 

Sadiiq:

Nin laga cararo waan ahay maxaa yeelay shar ay hooyadeey abuuratay ayaa madaxa saartay xaaskeyga xalaashana iska xumeeyey.

 

Idil:

Wey fiican tahay in aad qaladkaaga qirataya laakiin waad la soo daahtay Xalaashiisa Xumeeyana xakaar ayaa u dambeeya adiga taa ayaa iminka kuu bilaabatay.

 

Sadiiq:

Waa runtaa cinqaabta qaladkeygana in aan maro diyaar ayaan u ahay meel kasta oo ay Amina iyo wiilkeeda joogaan qeyraan u rajeeyey.

 

Markiina albaabka ayaa uu ka baxay Sadiiq isaga oo ilmeynayo hadalada Idil waa ay ahaaayeen kuwa ka turjumayo go’aanka Amina oo xilligaan la nool Qaali Luul oo magaalada Glasgow degan waxayna ugu talagashay in ay halkaas joogto ilaa bisha ugu horeysa ee umusha Amina wax kale iskaba daayee xataa hooyadeed lama xariirin uma sheegin sida ay arrin u jirto wax walbana waxaa gaarsiiyey Sadiiq laakiin maxay qaban kartay Amina Sahra waa qof hal adag go’aankeeda ka mira dhalisa intii ay doontaba ha ku qaadatee.

Amina Sahra halgan adag ayaa ay go’aansaday in nolosha u gasho hamigeeda ugu weyn waxa uu ahaa in ay wiilkeeda korsato waliba ay iyada u buuxisa doorkii aabanimo iyo kan hooyanimo taa balan ayaa ay nafteeda kaga qaatay.

Waxayna wiilkeeda ugu magac darday Akram waana magac ay hore u go’aansatay in ay u bixiso iyada kala timid oo la oran jirtay macallinkeedii Jaamacada isla markaana wax badan daruusta ku saacidi jirtay kaas oo u dhashay Pakistan.

Sadiiq weer weerkiisa ayaa uu ku jiray Hooyo Baluush intaaas dhib uu wiilkeeda maraayo ma joogto Uk waxayna ku sugneyd dalka Holland oo ay walaasheed degneyd ayaa ay aaday markii ay soo noqotay oo wax walba loo sheegay ayaa ay wiilkeeda soo aaday markii ay albaabka soo garaacday ayaa waxaa ka furay Diini oo la joogay Sadiiq isaga jahwareer ayaa uu meel la fadhiyey Diini markiiba waa uu baxay isaga oo ugu talagalay in ay wada hadlaan.

Waxaana hadalkii furtay Hooyo Baluush oo tiri

 

Hooyo Baluush:

Bal sidey wax u dhaceen wiilkeygiyow ii sheeg iminkaan soo maqlay maxaase sidaan kuu bahdilay

 

Sadiiq:

Hooyo intii aad rabtay sow intaan ma aheyn in aan jahwareer ku noolaado waa kan waa hayaa haddii aad ku faraxsan tahay.

 

Hooyo Baluush:

Maya wiilkeygiyow sidaa maaha sideen dhibkaaga ugu taliyaa uguna farxaa

 

Sadiiq:

Ii sheeg hooyo shakigaan I gelisay ma wax jira ayaa uu ahaa oo kugu beermay mise naceyb aad Amina u qabto ayaad u yeeshay.

 

Hooyo Baluush:

Wiilkeygiyow is deji xaalka sidaa ma joogo

 

Sadiiq:

Hooyo waan qasaaray ii sheeg maxaa ii haray mar hadaan curadkeygii & canabtii aan jeclaa ay iga tageyd nolol maxay ii tahay waa in aan dhintaa.

Markii uu intaa yirina albaabka ayaa uu ka baxay hooyo Baluush si kasta oo ay daba cararto waa ay gaari weyday.

Sadiiq muxuu kale oo uu sameyn karay inuu naftiisa naco mooyee oo u xanaaqo siduu magaalada u socday sidii nin waalan ayaa uu waqti dambe ka soo noqday gurigiisa ciil ayaa uu ku noolaa cid kaga gargaarrtana dhibka ma heysan Amina Sahra iyo wiilkeeda Glasgow ayaa ku negaadeen ugu dambeyna waxa ay go’aansaday in ay magaalada Qaahira ee dalka Masar u guurto xoogaagii ay heysatay ayaa weli u sii yaalay oo ay ku guurtay.

Amina markiiba ma daahin mar kasta waxa ay ka cabsi qabtay in la ogaado waxayna markiiba loo sii diyaariyey Cimaarad yar oo ay degto waxaana wax walba fududeysay Idil oo asxaab Qaahiro ku laheyd Amina & wiilkeeda Akram waxa ay markaan nolol kaga bilaabatay magaalada Qaahira iyagoo degay goob aan soomaaliba deganeyn iyada markasta ka cabsi qabtay in cid ay taqaan aragto sidaa uu warka ku gaaro Sadiiq maxaa yeelay Amina Sahra marnaba ma dooneynin in sahlan uu uu Sadiiq ku helo inuu in badan uu dhibtooda ayaa ay dooneysay.

Ugu dambeyna waxa ay la xariirtay hooyadeed oo hadalka oo dhan ka warqabtay waxayna ka dalbatay in marnaba aysan Sadiiq loogu sheegin halka ay joogto waana lagu raacay rayigeeda.

Nimey baadi ka maqan tahay haan gorof ah ayaa uu gacmeeyaayee Sadiiq waa uu is celin waayey ugu dambeyn waxa uu go’aansaday inuu Amerika tago wuxuu aaminsanaa in halkaas ay joogto Amina Sahra balse markii uu tagay Virginia waxa uu filaayey kama soo helin waxaana loo sheegay in Aamina aysan u imaan oo iyagaba ay la yaaaban yihiin halka ay qabatay isagoo madluunsan ayaa uuna usbuucii xigay isaga soo laabtay.

Amina noloshii Qaahiro ayaa ay la qabsatay markaana waxa ay noqotay qof degtay waana ay ka heshay waxayna go’aansaday in ay halkaas isaga noolaado waxaa inta badan saacidi jiray hooyadeed & walaasheed oo nolosha ka kabi jiray.

Sidoo kale Fartuun weli jaceylkii jahwareer ayaa ay ku jirtay ninkii Ayaanle ahaa war uma sii diro talana cid ma siiso saaxiibka kaliya ee ay laheydna waxa uu ahaa Farxaan mana u sheego oo ma dareensiiyo lugooyada Ayaanle tan Farxaan waxa ay dhow jeer ku dagaaleen saaxiibkii Xasan Kaafi doodaha dhex mari jiray waxaa ugu weynaa doodaan oo uu Xasan Kaafi ugu dambeyn go’aansaday inuusan mar dambe saaxiibkii kala hadlin dareenkiisa.

Waxa ay xilli duhur ah waxaa dukaanka Farxaan ka sii baxeysay Fartuun oo aan farxad ka muuqan Xasan Kaafi oo iridka dukaanka isku dib gooyeen ayaa markii uu galay ku yiri.

 

Xasan Kaafi:

Xaajiyadaada maxaa haaya ma kii ayaa soo diiday ileyn rajo kale ma heysee

 

Farxaan:

Warkiisa ayaa ay ladahay murugtaas ayaa heysa saxiibow

 

Xasan Kaafi:

Murugta iyadaa dalbatay la dhime dheh

 

Farxaan:

Saxiiboow maxaad sidaa u dhaheysaa

 

Xasan Kaafi:

Waa qof aan arag farxada qofka siin kara

 

Farxaan:

Laakiin ma aha in qofka la qasbo ee waa in farxadeeda loo daayo in aan aniga helana qasab maaha saaxiib waad qaldan tahay.

 

Xasan Kaafi:

Haddiiba qof qaldan yahay waa adiga saxiiboow naxariis aan micno ku toorneyn ayaa kugu jirta ee nin rag ayaa uu illaah kaa dhigay maad dareenkaaga qiratid.

 

Farxaan:

Hore ayaad igu sheegtay warkaas maxaa kale

 

Xasan Kaafi:

Saxiiboow waana ka xishoonayaa in aan ku dhaho nacas ayaa tahay laakiin ninka raga karti ayaa lagu yaqaan ee maada mar uun jaceylkaaga sheegato mise nolosha qiyaaliga ayaad rabtaa in aan ku noolaado.

 

Farxaan:

Waa Sheekadii : kurbo aduun iyo kadeed caashaq  kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More