Sheekadii Xiisaha laheyd ee kurbo aduun iyo kadeed caashaq Qeybtii 10aad

Habeenkii si wadajir ayaa ay u sheekeysteen markii cashadii ay wada cuneen oo qolkii saaloonka la soo galay aya ay sheekadii iyada furtay Amina oo ay tiri.

 

Amina Sahra:

Ii waran macaanka meeshaad jirtay iyo shaqadii ka waran

 

Sadiiq:

Hagaag macaanta waad dareemi kartaa mar haddii shaqo la tago in wax sahlan uusan jirin

 

Amina Sahra:

Intii aad iga maqneyd sow iima xiisin

 

Sadiiq:

Haa macaanto

 

Amina Sahra:

Waan rajeynayaa

 

Sadiiq:

Maxaad sidaa u leedahay miyeysan kula aheyn in aan kuu xiisayo

 

Amina Sahra:

Sidaa uma wado ee waxaan kuu leeyahay xilli kasta qalbiga igu haay

 

Sadiiq:

Mar kasta macaanto mar kasta

 

Amina Sahra:

Waxaan is lahaa inta badan soomaalida jaceylkooda wax baa ka dhiman maxaa yeelay markii la midoobo waxaa meesha ka baxa rabitaankii markii hore jaceylka la mooday maxaa yelay haddiiba jaceyl jirin waxa ka soo hara waa xiiso xiisaha waa maalmo kooban.

 

Sadiiq:

Kuma fahmin

 

Amina Sahra:

Waad I fahmi kartaa macaane jaceylka uun ayaan qeexayaa qofka lagama yaabo in fikir xun uu ka sawirto qofka uu jecel yahay laakiin haddiiba jaceyl jirin nolosha kalsooni malaha ileyn kalsoonida ayaa uu jaceylka ka bilaawdaa.

 

Sadiiq:

Waa runtaa illaah nagama yeelo kuwii nolosha isla fahmi waayo

 

Amina Sahra:

Waan rajeynayaa

Markii ay sidaa tiri ayaa inta uu u dhawaaday ayaa uu bushamaha ka dhubkatay oo yiri

 

Sidiiq:

Ha rajeynin uun ku seexo oo ku soo toos

 

Amina Sahra:

Macaane ma xasuusataa maalintii kugu dambeysay ee aad bushimaheyga aad dhunkato

 

Sadiiq:

Haa macanto waa maalintaan saafiraayey

 

Amina Sahra:

Maya maalintaa madaxa uun ayaad iga dhunkatay

 

Sadiiq:

Ma filaayo

 

Amina Sahra:

Malaha adigaa is ogeyn macaane maxaa yeelay marnaba xageyga ma soo fiirin waadna carareysay waxaana in aad si kalgacal leh ii dhunkato ay kugu dambeysay maalintaan uurkeyga aan kuu sheegay.

 

Sadiiq:

Maya macaane kaama carareynin waad la socotaa in shaqada ay igu badneyd wax kale ma jiro

 

Amina Sahra:

In aad aabe noqoto diyaar uma aheyn miyaa

 

Sadiiq:

Waxaas ma jiro mowduucaas oo dhan naga xer macaanto

 

Amina Sahra:

Ok mar kasta sida aad jeceshahay ayaan yeelayaa

Sidii ayaa habeenkii lagu kala seexday Sadiiq marnaba ma fahmin biyadhaca hadalka Amina wuxuuna mar kasta ku dadaalayay inuu runta ka hadlo ka hor xilliga ay wax kala cadaan karaan.

Amina go’aankeedii waa ay ka dhabeysay in aysan waxba laga ogaan laakiin murug iyo ishadal badan ayaa nolosheeda ku soo kordhay haddana ma inkiri Karin sida dhabta ah oo ay u jeceshahay Sadiiq iyo kalsoonida ay u qaatay hadana waa ay ku qasbaneyd in ay sidaan kula sii joogto ilaa inta ay magaceeda ka nadiifineyso.

Amina culeyskeedii waa uu si siyaaday hadana jaceylkii iyo koolkoolintii ay nolosha ka fileysay in ay ka hesho midkey dooratay ma aysan helin hadana sidaa ay tahay waa ku qasbaneyd in ay ku sii jirto waxayna mar kasta badineysay baryada illaah xilli kasta oo ay salaad tukato ayaa ay illaahey si qaas ah muraadkeeda u warsan jirtay salaada kadib inta ay gacmaha kor u taagto ayaa ay cod dheer ku oran jirtay.

Waxaan ahay muslin

Midigtiisa kor u taagay

Oo muraad lehooMacbuudow

Adaa magantada galee

Maqbuul ka yeel muradkeyga

Musiimada leyla maagan yahay

Allow mininkeyg ha keenin

Amina xanuunka uu waayaha dhigay qofka kaliya ee ka warheysay waxa ay aheyd Idil oo xilli kasta moral ahaan dhisi jirtay xiliyada habeenkiina inta ay timaada ayaa ay soconsiin jirtay.

Amina ugu dambeyn in xaalada uurkeeda uu wanaagsan yahay ayaa loo sheegay iyo xilliga ay dhalayso wallow ay ka diiday dhaqtarka inuu u sheego gabar iyo wiil midka ay dhalayso.

Haddii Amina xaaladaas ay ku jirto Fartuun nolosha waxba ma heyso warqad loo diro iskaba daayee xataa lagama qabto telefoon murugteeda mar kasta Farxaan ayaa ay ula imaan jirtay isaga waa naf wax jecelee murugta waa uu la qeybsan jiray abid dareenkiisa ma sheegto xumaanta iyo gefafka uu Ayaanle ka galena ma dareen siiyo waana tan ay markasta Farxaan ku dagaalaan Saxiibkii Xasan Kaafi waxaad moodaa in Farxaan uu go’aan ku gaaray inuu abid inta ay nafta ku jirto uu qiran dareenkiisa ku aadan Fartuun halka iyadana aad moodo in xarig aan xoolo ku jirin un ay gacmaha ku sidato.

Aqristoo waxaad moodaa in nolosha lagu kala maqan yahay oo inta badana leys hareer marsan yahay Fartuun mid dhibkeeda la walwaalo uma muuqto naxariistiisa dib uma aqrisato Amina Sahra nolooshii ay dooratay oo ay mudo ka fiirfirsiga badan ka gashay ayaa ku xumeysay balse waa aduunyo iyo xaalkeeda waxaadan ku sii tashan nolosha waa ay kaaga horeeyaan.

Amina maalintii dambe Sadiiq oo maqan ayaa xanuunkii qabtay markiina waxa ay u yeeratay Idil oo Ambulance isbitaalka u soo dirtay iyada ay hore u soo raacday.

Amina markiiba qeybtii dhalmada ayaa loo gudbiyey qof cibaado badana waa ay aheyd alle ku xernaashaheeda waa badnaa illaah waa u fududeeyey 1 saac kadibna waa ay umushay illahey waxa uu ku abaal mariyey wiil qurux badan markii la soo nadiifiyey ee qolkeeda la keenay ayaa waxaa u timid Idil inta labada dhaban ka dhunkatay ayaa ay ku tiri.

 

Idil:

Hambalyoo saaxiib wiil qurux badan ayaa uu illah ku siiyey oo caafimaad qabo

Amina inta ay dhoolacadeysay ayaa ay tiri

 

Amina Sahra:

Alxamdullilaahi Illaah ha iga yeelo midkii ciilka iga bixin lahaa

 

Idil:

Amiin saaxiib

 

Amina Sahra:

Wax walba sidaan u qorsheynay ha ahaataan

 

Idil:

Igu haley saxiib ka waran ma wacaa Sadiiq

 

Amina Sahra:

Ok wac oo u sheeg laakiin ka hor isaga hal mar cunuga in aan arko ayaan rabaa

 

Idil:

Ok iminkaan kuu keenayaa

Markiiba cunugeedii ayaa loo keenay Amina markii ay gacmaheeda ku qabataya ayaa ay illin soo dhaaftay oo ay cid debacsan ku tiri

Akramarow alifka kaliya

Ee allahey I siiyaa tahay

Sheekadaan Alfa leylka ahna

Ayaan aad ogaan

Aabihii ku dhalayaa

Waa Sheekadii : kurbo aduun iyo kadeed caashaq  kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More