Saddex sano kadib markii militariga Niger uu awoodda la wareegay, Human Rights Watch (HRW) ayaa ugu baaqaysa saaxiibada caalamiga ah ee dalka inay dib ula falgalaan, xilli taliska militarigu uu sii adkaynayo gacan-ku-hayntiisa, burburinayo hay’adaha dimuqraaddiga ah isla markaana ballaarinayo caburinta dadka ka aragtida duwan.
HRW ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in mas’uuliyiinta militariga Niger ay sannadkii la soo dhaafay kala direen dhammaan xisbiyada siyaasadeed iyo dhowr urur shaqaale oo madax-bannaan, shaqada ka joojiyeen tobannaan urur oo bulshada rayidka ah, isla markaana ay saxafiyiin ku xireen sharci ballaaran oo dambiyada internetka ah. Taliska militariga ayaa sidoo kale jinsiyadda kala noqday mucaaradka siyaasadeed, dembi ka dhigay xiriirrada isku jinsiga ah ee ay dadka waaweyn raalli ka yihiin, wuxuuna dhowaan ku dhawaaqay in Niger ay ka baxayso Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC).
Bulshada caalamku “waa inay mas’uuliyiinta ku cadaadisaa inay ixtiraamaan xuquuqaha aasaasiga ah, sii daayaan dadka sida sharci-darrada ah loo xiray, joojiyaan beegsiga mucaaradka siyaasadeed iyo dadka dhaliila, isla markaana soo bandhigaan waddo lagu kalsoonaan karo oo lagu gaari karo xukun rayid ah”, ayay tiri cilmi-baare sare oo HRW u qaabilsan gobolka Saaxil, Ilaria Allegrozzi.







