DG Galmduug oo maanta Bandow gelisay Degmada Caabudwaaq! –

Hogaamiye ku xigeenka DG Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa la sheegay in uu laamaha ammaanka amray dhaqangelinta Bandowgaan oo lagu sugayo ammaanka Magaalada Caabudwaaq oo bilawday Maanta  11:30 AM. Gudaha Degmada waxaa la dhigay Ciidamada ammaanka oo ilaalinaya dhaq-dhaqaaqa dadka, iyaga oo baaraya xaafadaha qaar oo ay ku tuhmayaan maleeshiyaadka dilalka aanooyinka geysta. Waxyar kahor inta aan bandowga Degmada Caabudwaaq la gelin waxaa lagu toogtay qof kamid ah dadka degmadaas,…

Banaanbax ka dhan ah Hogaamiyaha France oo Gaalkacyo ka

Magaalada Gaakacyo xarunta Gobolka mudug waxaa maanta ka dhacay dibadbax ay ka qaybgaleen Culima-udiin, Arday, Waxgarad & qaybaha kala duwan ee Bulshada Magaaladaas, waxaana looga soo horjeeday madaxweynaha faransiiska Emmanuel Macron. Isu-soobaxa ayaa ka dhacay goob saacadihii lasoo dhaafay loo diyaariyay in lagu qabto bannaanbaxa ka dhanka ah Macron oo aflagaadeeyay Muslimiinta, isla markaana taageero u muujiyay sawir gacmeed laga sameeyay Nabi Muxamed NNKH. Waxaa la…

Talyaaniga oo Askarta Uganda ku bogaadiyay Howlgalkooda

Danjiraha Talyaaniga ee Dalka Uganda Massimiliano Mazzarati oo qalab loogu talagalay Covid-19 ku wareejiyay hoggaanka Militariga dalkaas ayaa bogaadiyay howlgalka UPDF-ta ee Soomaaliya. Talyaaniga ayaa militariga Uganda ku wareejiyay labo (neef-siiye) si aan cabur u imaan, waxaana la dhigay Isbitaallada Militariga Bombo & Aqalka Cad oo ah halka lagu daweeyo Ciidamada iyo saraakiisha. Abaanduulaha Ciidamada Militariga Uganda Gen. David Muhoozi ayaa guddoomay qalabkaan oo la…

Qaybo badan oo kamid ah Dalka waxaa ka socda abaabulka

Banaanbax ka dhan ah Hogaamiyaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa laga qaban-qaabinayaa Magaalooyinka Muqdisho, Cadaado, Gaalkacyo iyo meelo kale oo katirsan Gobollada Dalka. Culimada & qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa abaabulay isu soo baxaan looga dhiidhinayo eedeynta & Aflagaadada Muslimiinta iyo nabi Muxamed NNKH uu u geystay Hogaamiyaha Faransiiska. Hay’adda Culimada ayaa bogaadisay in la cadaadiyo wadanka Faransiiska oo caadeystay wax ka sheegga Diinta Islaamka…

Haweenka oo 5-xubnood laga siiyay 90-ka Xildhibaan ee

Magaalada Jowhar waxaa xalay looga dhawaaqay liiska & magacyada Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka labaad DG Hir-Shabeelle oo lagu qaybiyay hab-qabsiga beelaha Hiiraan & Shabeelaha Dhexe sida xubnaha Guddiga farsamadu ay sheegeen. Liiska waxaa dib ugu soo laabtay qaar kamid ah Xildhibaannada shaqeynayay 4-tii sano ee lasoo dhaafay, halka laga waayay xubinnimada Baarlamaan Guddoomiye Cismaan Barre & Maxamed Xuseen Geedi oo ku xigeen u ahaa. Guddoomiye ku xigeenkii…

Dhaqaatiir uu ku dhacay Covid-19 oo dadka ka daweynaya

Xannuunka Covid-19 ayaa saameeyay waddamada Qaaradda Yurub oo si joogta ah maalin waliba looga diiwaangeliyo dhimasho, kiisas cusub iyo dadka ka caafimaaday xannuunka Coronavirus. Biljamka (Belgium) waxa uu soo galay booska 24-aad guud ahaan Caalamka waddamada laga diiwaangeliyay kiisaska ugu badan ee xannuunka, halka liiska kala sareynta qaaradda Yurub uu tiigsaday kaalinta 8-aad. Maanta oo talaado ah kuna beegan 27/10/2020 waxaa laga diiwaangeliyay 12,687-bukuuno cusub &…

Ciidamada ammaanka DG Puntland oo Boosaaso ka sameeyay

Magaalada Boosaaso Xarunta Gobolka Bari oo dhawaan Ciidamo dheeraad ah DG Puntland geysay waxaa ka bilawday howlgalo saraakiisha askarta hoggaamineysa ku tilmaameen Amni sugid. Ciidamada ayaa baaraya xaafadaha qaar, Gaadiidka & Dadka saaran, maadaama walwalka ugu weyn ee maamulkaas uu yahay sugidda ammaanka Magaalada Boosaaso oo marar kala dilal & qaraxyo ay ka dhaceen. Kuraasta qaar Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa loo asteeyay in lagu qabto Xarunta…

Muqdisho oo martigelineysa dhaq-dhaqaaqyo Siyaasadeed! –

Magaalada Muqdisho waxa ay martigelineysaa dhaq-dhaqaaqyo Siyaasadeed oo ay sameynayaan mas’uuliyiinta Dowladda iyo Xisbiyada Mucaaradka kahor inta aan la guda gelin waqtiga Doorashada 20/21. Nairobi waa barta kulmisay Siyaasiyiin u xul-duubeysa hanashada kursiga ugu sareeyo dalka ee Hogaamiyaha, waxaa wehliya shaqsiyaad kale oo ku haminaya kasoo muuqashada Dowladda dhismaheeda la qorsheynayo. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo kamid ahaa mas’uuliyiin…

Muddo xileedka Sharciga ee DG Hir-Shabeelle oo 17-cishe la

Muddo xileedka 4-ta sano ah ee DG Hir-Shabeelle ayaa ku idlaaday 9-kii bishaan, waxaana qorshuhu ahaa in la diyaariyo Baarlamaanka labaad si uu u doorto guddoonka cusub oo sii wada howsha. Magaalada jowhar kama muuqda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xitaa lagu soo diyaarinayo Xildhibaannada labaad ee Beelaha, Odoyaasha Beelaha uma intooda badan waa ay ka maqan yihiin Magaalada oo xitaa hogaamiyayaasha qaarkood ayaa afka ka qabsaday ka hadalka howsha socota. Guddoomiyaha…

Isreal oo Suudaan u direysa Qamadi qiimo ahaan ku kacaya $5

Heshiiska Israaiil & Suudaan ee uu Garwadeynka ka ahaa Hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump ayaa sahlay in Yuhuuddu ay Qamadi ugu deeqdo Xukuumadda Khartuum kadib markii ay aqbashay (Saaxiibtinimada cusub). War kasoo baxay Israaiil ayaa lagu sheegay in Qamadigaan lagu qiimeeyay lacag dhan $5 Milyan, waxaana ay u gacangelineysaa Dalka Suudaan ee dhaca waqooyiga Qaaradda Afrika oo dhibaato dhanka cunnada heysata. Raysul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More