Golaha Wasiirada DG Puntland oo fadhi degdeg ah ka yeeshay

Hogaamiye ku xigeenka DG Puntland ahna ku simaha Hogaamiyaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa fadhi degdeg ah la yeeshay Golaha Wasiirada maamulkaas, waxa ay diiradda saareen xaaladda Magaalo xeebeedyada Gobolka Bari. Golaha Wasiirada ayaa dhageystay Warbixinta ku simaha Hogaamiyaha ee la xiriirta xogta uu uruuriyay saacadihii lasoo dhaafay oo Roob Dabayl wata uu ku da’ay Degmooyinka dhulka Badda kulaala. Wasiirada ayaa dhankooda gudbiyay taladooda degdega ah si wax loogu…

Maxaa kasoo kordhay Shirka Wada tashiga Musharixiinta

Maalintii Saddexaad oo xiriir ah waxaa Magaalada Muqdisho ka socda Shirka Wada-tashiga Musharixiinta Hogaamiyaha Soomaaliya 20/21 oo cabasha ka qaba guddiga doorashada & qorshaha DFS ay ku maamuleyso. Sida Musharixiinta ay sheegeen waxaa loo qorsheeyay in uu socdo 21/23 ka November 2020 oo maanta ah, balse Ilo xog ogaal ah oo ka dhaw Shirka ayaa Axadle u sheegay in maalin kale lagu daray, lana soo gaba-gabeynayo Berri oo Talaado ah 24-ka November 2020. Sababta maalinta…

Safiirka Qadar ee Soomaaliya oo Baydhabo u tagay dhagax

Magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed waxaa maanta tagay wafdi uu hoggaaminaya Safiirka Qadar ee Soomaaliya, waxaana soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu kamid yahay Hogaamiye Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen. Safiirka waxaa la socda qaar kamid ah Howlwadeenada Safaaradda Qadar ee Soomaaliya, waxaana uu la kulmay Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen. Ujeedka Safarka wafdiga Qadar ee Magaalada Baydhabo ayaa ah sidii uu u dhagax…

Kororka Koroona & kala sareynta Dalalka Caalamka! –

Kiisaska Fayruska Koroona ayaa sii kordhay todobaadyadii lasoo dhaafay, waxaa la diiwaangeliyay Xaalado cusub, Dhimasho & kuwa ka caafimaaday sida ay tebisay Hay’adda Caafimaadka Qaramada Midoobay u qaabilsan ee WHO. Guud ahaan kiisaska Caalamka laga diiwaangeliya Covid-19 waa 58,986,439 (Konton & siddeed milyan, sagaal boqol, siddeetan & lex kun, Afar boqol, Soddon & sagaal), waxaa u dhintay 1,393,683 (Hal milyan, Saddex boqol, Sagaashan & saddex kun, lex…

Waa maxay Sababta Abiy Ahmed waqti dheeraad uu u siiyay

Raysul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed Cali ayaa 72-saac (Saddex Cishe) oo dheeraad ah markale u qabtay in ay isu dhiibaan Xooggaga Tigray oo dagaal iska caabbin ah la galay Ciidanka Federaalka. Abiy ayaa sheegay in waqtigaas wixii ka dambeeya Dowladda Federaalka ay qaadeyso tallaabadii ugu dambeysay ee lagu soo afjarayo dagaalka oo daba-dheeraaday sida uu hadalka u dhigay. Haddaba waa maxay sababta Abiy Ahmed uu markale waqti ugu qabtay hoggaanka TPLF? Jawaabta ugu…

Kalluumeysato ku dhimatay Roob Dabayla wata oo ka da’ay

Inta la xaqiijiyay 5-ruux oo kalluumeysato ah ayaa ku dhimatay Roob Dabayla wata oo ka da’ay Deegaanno Xeebeedyada Puntland saacadihii lasoo dhaafay sida ay Warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiin katirsan maamulkaas. Digniin xooggan ayaa loo diray Kaluumeysata & Dadka kunool Magaalo Xeebeedyada Puntland si ay uga feejignaadaan Dabaylaha & Roobka isla socda ee la saadaaliyay, si aysan dhibaato uga gaarin. Dadka dhintay & kuwa dhaawacmay waxaa la rogmaday Doomo ay…

RW Rooble oo Wasiirada DG Koofur Galbeed & Odoyaasha ka

Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa kulamo la qaatay Wasiirada maamulkaas, mas’uuliyiin kala duwan & Odoyaasha dhaqanka Koofur Galbeed. Rooble ayaa xubnaha uu la kulmay kala hadlay doorka ay ka qaadan karaan doorashada Soomaaliya 20/21, maadaama Odoyaasha ay soo dooranayaan Ergada dooraneysa Xildhibannada Golaha Shacabka BFS. Maxamed Xuseen Rooble Raysul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Wasiirada Koofur Galbeed ka codsaday in ay la…

“Hogaamiye Dhuujiska ka daa Doorashada” Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Guddiyada Doorashada 20/21 ee heer federaal & heer Dowlad dhaliisha ka timid in aysan raad ku lahayn dimaanka dastuurka dalka ee lagu heshiiyay. Is qab-qabsiga siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka & Xisbiyada Mucaaradka ayuu ku sifeeyay in uu ka dhashay iska indha-tirka Dastuurka Dalka oo ah kan lagu kala dambeeyo ee xalka loo arkay. “Maanta waxa aan isku heysanaa Dowladda Federaalka ma ahan…

Baratanka Cabdi Xaashi & Xukuumadda Rooble! – Axadle

Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha sare & Maxamed Xuseen Rooble RW XFS Raysul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 6-dii November 2020 magacaabay xubnaha Guddiga Doorashada Gobollada Waqooyi (Gobaladda Waqooyi) oo ka kooban 11-xubnood. Rooble ayaa soo xigtay qodobo dastuur & heshiiska heer Federaal & Dowlad Goboleedyada ee dhacay kahor iyo kadib ansixinta nuuca doorashada dalka oo ah mid dadban balse la kordhiyay ka qaybgalayaa iyo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More