James Milner Oo Shaaciyey In Uu Kasoo Horjeedo Tartanka Super League
Kabtan ku-xigeenka kooxda kubadda cagta Liverpool ee James Milner ayaa shaaciyey in uu kasoo horjeedo qorshaha iyo tartanka cusub ee ay Liverpool qaybta ka tahay ee European Super League, kaas oo ay 12 kooxood oo waaweyn isku waafaqeen in ay samaystaan.Kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay Liverpool barbarraha 1-1 la gashay Leeds United xalay, James Milner ayaa warbaahinta hor-yimid, waxaanu soo bandhigay dareenkiisa dhabta ah ee ah in aanu ku faraxsanayn in kooxdiisu qayb ka noqoto tartankan.Lixda kooxood ee waaweyn…