Hala Wareegina!! – Halyeey Rio Ferdinand Oo Kooxdiisii Man United U

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa kooxdiisii hore uga digay saxeexa daafaca midig ee Atletico Madrid iyo xulka qaranka England ee Kieran Trippier oo ay aad u doonayaan.

Ferdinand ayaa aaminsan in xiddiga dhawaan kusoo guuleystay horyaalka La Liga uusan ahayn mid ku haboon xiddiga ay booska daafaca midig u doonayso Manchester.

Ferdinand ayaa sheegay inuu yahay mid garanaya tayada uu leeyahay 30 sano jirkaasi balse uusan ku haboonayn inuu kursiga keydka u galo Red Devils.

Manchester ayaa doonaysa saxeexa daafac midig ee ay kaabis uga dhigaan Aaron Wan-Bissaka, Ferdinand ayaan u arkin Trippier mid ku haboon inuu keydka u galo Wan-Bissaka.

42 sano jirkaasi oo wargeyska Metro la hadlayay ayaa yidhi “Uma malaynayo inay soo iibsan doonaan qof yimaada oo toddobaad kasta ciyaara, waxaan filayaa mid kasta oo halkaas yimaadaa inuu kaabis noqon doono”

“50 Milyan ayay ka bixiyeen Wan-Bissaka, ugamay bixin si uu keyd ugu noqdo, isagu (Trippier) ma uusan noqdeen dookhayga hadaan daacad u hadlo laakiin waan arkaa tayooyinka uu leeyahay”

“Laakiin Trippier ma uusan noqdeen dookhayga marka ay noqoto calaamadaha ciyaartoyga aan keeni lahaa si uu u noqdo dookha labaad”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More