Kabtanka Arsenal Ee Aubameyang Ee Duumadu Ku Dhacday Oo La Go’aamiyey
Arsenal ayaa shaacisay waqtiga uu garoomada kusoo noqon doonto kabtankeeda Pierre-Emerick Aubameyang oo kasoo kabanaya xanuunka Duumada/kaneecada oo uu cusbitaalka u jiifay in muddo ah.Weeraryahanka reer Gabon ayaa laba kulan oo kooxdiisa ah kaga maqnaa xanuunkan oo uu kasoo qaaday kulamadii caalamiga ahaa ee uu waddankiisa ee uu u yimid qaaradda Afrika bishii hore, una ciyaaray waddankiisa isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika.Tababare Mikel Arteta ayaa xaqiijiyey in laacibkani aanu qayb ka ahayn kulanka Fulham ee Axadda oo…