Kylian Mbappe Oo Magacaabay Difaaca Ugu Weereeya Ee Uu Abid Ka Hor

Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe ayaa magacaabay difaaca ugu dheereeya ee intii uu garoomada ku jiray uu ka hor tegay, kaas oo uu tilmaamay mid awood leh oo uu u qushuucay qaab ciyaareedkiisa.

Mbappe oo ka mid ah ciyaartoyda ugu dheeraysa kubadda cagta waqtigan ayaa isagoo waraysi siinayay wargeyska France Football waxa la weydiiyey ciyaartoyda uu orodkooda ka yaabay, waxaana uu markiiba lasoo baxay afar laacib oo uu ku jiro weeraryahanka Arsenal iyo xulka qaranka Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang, laakiin waxa liiskiisa uu kusoo daray hal difaacyahan.

22 jirkan oo xulka qarankiisa kala qayb-gelaya Koobka qaramada Yurub oo uu rajaynayo inuu u noqdo midkiisii ugu horreeyey iyo koobkii labaad ee ugu weynaa ee uu qaado kaddib markii uu sannadkii 2018 dalkiisa la qaaday Koobka Adduunka ee lagu qabtay Ruushka.

Isagoo 17 jir ah ayuu garoomada qabsaday Mbappe, waxaana layaab ahaa orodkiisa cajiibka ahaa ee markiiba soo jiitay dunida ee sannadkii 2017 uu Monaco kaga caawiyey hanashada horyaalka Ligue 1 iyo inay meel dambe kasoo gaadho Champions League.

Afar sannadood oo uu joogo PSG, Kylian Mbappe ayaa ku guuleystay koob kasta oo suurtogal ahaa marka laga reebo Champions League oo markii ay ugu dhowaayeen ay yimaaddeen finalka sannad ka hor oo ay Bayern Munich kaga guuleysatay.

Xilli ciyaareedkan ayay semi-finalka ku reebtay Manchester City oo ciyaar ahaan iyo wax kasta kaga wanaagsanayd, waana kooxdan midda uu ku arkay difaaca ugu dheereeya ee nefiska u diiday.

Isagoo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey ciyaartoyda orodkooda uu la yaabay ayaa waxa uu yidhi: “Waxa aan la hadlayay aabbahay oo aan u sheegay ciyaartoyda iga yaabiyey, sababtoo ah, maan ciyaaraynin anigu. Tayada orodka ku jira Jeremy Doku oo Rennes ah. Shan sannadood oo aan ahaa xirfadle, waligay ma arag qof bilowgaba soo bandhigaya awood sidaa u badan.

“Marka ay noqoto ciyaaryahannada orodka cajiibka ah leh, waxa kale oo aan soo qaadan karaa Pierre-Emerick Aubameyang. Neymar sidoo kale, ka hor intii aanu dhaawacmin, waxaanu si fudud u beddeli karayay jihadiisa.

“Waxa kale oo jira ciyaartooyo aan gaabis ah bilowga hore sida Kyle Walkere oo Manchester City ah. Waa uu la mid yahay taangi, marka uu cidhibta ku dhufto, wuu gaadhayaa.”

Afarta ciyaartoy ee uu sheegay inay orod badan yihiin, saddex ka mid ah oo kala ah Doku, Neymar iyo Aubameyang waa weeraryahanno, halka Kyle Walker uu yahay difaaca kaliya ee ku jira xiddigaha uu Kylian Mbappe soo xushay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More