Qish Laga Helay Shaxda Xulka England Ee Kulanka Berri, Saddex Xiddig

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa la filayaa inuu kulankooda furitaanka ee EURO 2020 kusoo bilaabi doono garabka weerar ee xulkiisa ee Raheem Sterling.

Sterling ayaa lagu maamuusay abaalmarinta MBE Jimcihii shalay waxaana siisay boqorada dalkaasi England oo bixinaysay abaalmarinaha xafladeeda dhalasho isagoo ku mutaystay dadaalka uu ka sameeyay la dagaalanka cunsuriyada.

Tababare Southgate ayaa la xusayaa inuu Raheem kusoo bilaabi doono ciyaarta berri galab ka dhacaysa gegida Wembley, hore shaki badan ayaa ku jiray haddii uu kusoo bilaaban doono.

Southgate ayaa ahaa mid kamida xiddigaha uu sida joogtada ah u aaminsanaa macalin Southgate sanadihii ugu dambeeyay balse waxa uu waayay booskiisa Man City isagoo keydka deris la ahaa muddooyinkii ugu dambeeyay kaddib qaab ciyaareedkiisa oo hoos u dhacay.

Southgate ayaa tababarka xulka sidoo kale ku tijaabiyay shaxda saddexda daafac dhexe balse waxa la filayaa inuu kusoo shirtagi doono shax afar daafac ah ciyaarta Croatia.

Shaxda afarta daafac ayaa Southgate siin doonta fursada uu ciyaaryahan kale oo weerar ah ku ciyaarsiin karo, Mason Mount, Sterling iyo Harry Kane ayaa la filayaa inay dhammaantood kusoo bilawdaan.

Qishahka laga helay tababarka xulka saddexda libaax lagu naanayso ayaa ah in laba kamid ah Marcus Rashford, Phil Foden iyo Jack Grealish ay seegi doonaan shaxda koowaad.

Wararka ayaa sheegaya in Grealish uu keydka kusoo bilaaban doono walow uu ahaa xiddiga ugu fiican xulka kulamadii ka horreeyay tartanka, Rashford ayaa ah dookha Southgate balse waxa uu isaguna qabaa dhaawacyo uu ku ciyaarayay bilihii ugu dambeeyay halka Foden uu kaliya 6 kulan soo metelay England oo uusan khibrad badan lahayn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More