159 Kulan Oo Aan Laga Badin & 1,638 Maalmood Kaddib,

Liverpool waa inay isku diyaariso guul-darro toddobaadkan marka ay Manchester  City iska hor yimaaddaan, waxa sidaas usii sheegay Khabiirka ciyaaraha Mark Lawrenson oo Jurgen Klopp iyo xiddigihiisa ugu bushaareeyey inay haddaba calbiga sii adkaystaan.Khabiirka BBC Sports oo Liverpool guulo usoo saadaaliyey dhamaan 159kii ciyaarood ee ugu dambeeyey, isla markaana la safnaa 1,638 maalmood oo aanu ka nixin kooxda horyaalka difaacanaysa, waxa uu markan soo afjaray saadaashiisii ugu dheerayd abid ee uu koox guul u…

DEADLINE!! Barcelona Oo Maanta Ay Ugu Buuxday Waqtigii Kama

Barcelona ayay Khamiistii maanta ugu buuxday waqtigii kama dambaysa ee loo qabtay inay mushahar dhimis ku samayso ciyaarteeda, isla markaana kharashka ka baxaya si weyn hoos loogu dhigo, halka dakhligana la kordhinayo.Sida uu qoray wargeyska Esport3 ee kasoo baxa gobolka Catalonia ee waddanka ee waddanka Spain, wada-xaajoodkii ugu dambeeyey ee u socday ciyaartoyda iyo maamulka kooxda ayaa fashilmay oo lagu kala kacay.Warku wuxuu intaa ku daray in hadda ay kooxdu isku diyaarinayso xaalad degdeg ah oo ay kaga baaqsan karto…

Shaxda Adag Ee Manchester United Ay Ku Ciyaari Doonto Haddii

Manchester United ayaa la sheegay inay xidhiidh la samaysay Mauricio Pochettino oo hore tababare ugu ahaan jiray Tottenham, muddo sannad laga joogana shaqada laga caydhiyey, kaddibna galay nasasho badan.Macallinkan reer Argentina ayay Red Devils ku beddelaysaa tababare Ole Gunnar Solskjaer oo la filayo in shaqada laga caydhiyo, kaddib guul-darrooyin iyo bandhig niyad-jab ah oo uu ka keenay horyaalka Premier League oo kaalinta 15aad ay kaga jirto kooxdiisu iyo Champions League oo khasaarihihii ugu dambeeyey looga…

Messi, Ramos, Modric, Ozil, Puig, Alaba, Aguero & 20ka

Xiddigo waaweyn ayaa ay heshiisyadoodu dhamaad yihiin, waxaana bannaan fursado badan oo si bilaash ah ay koox kastaa ku helayso laacib dunida magac ku leh oo haddii ay hore u dalban lahayd aanay xataa lacag kastaa u goyseen.David Alaba ayaa noqday ciyaartoygii ugu dambeeyey ee kusoo biiray xiddigaha waaweyn ee xorta ah ee kooxda ay doonaan tegi karaya marka uu dhamaado xili ciyaareedkan socda, balse hortii ayay liiska ku jireen kabtannada labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid ee Lionel Messi oo hore usii sheegay inuu…

Bruno Fernandes Oo Dabka Kusii Shiday Tababaraha Cidhiidhiga

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa dabka kusii shiday tababaraha shaqadiisu halista ku jirto ee Ole Gunnar Solskjaer oo la sheegayo in la caydhinayo.United ayaa jilbaha dhulka loo dhigay laba ciyaarood oo isku xigta, waxaana guul-darrooyin u xambaariyey Arsenal iyo Istanbul Basaksehir, taas oo soo dedejisay in Red Devils ay xidhiidh la samayso Mauricio Pochettino oo la sheegayo inuu beddelayo.Inkasta oo Manchester United ay ku adkaysatay in aanay shaqada ka eryaynin Solskjaer, haddana…

Ole Gunnar Solskjaer Oo Kaalinta Koowaad Kaga Jira LIISKA

Ole Gunnar Solskjaer ayaa hoggaanka u qabtay liiska tababareyaasha waayaya shaqadooda ee la caydhin doono usbuucyada soo socda, kaddib guul-darrooyin xidhiidh ah iyo qaab ciyaareed liita oo Manchester United ay ka samaynaysay horyaalka Premier League iyo Champions League oo ay ugu dambaysay Istanbul Basaksehir oo xalay 2-1 kaga badisay.Solskjaer ayaa ka sare maray laba tababare oo kale oo seeftu ay dul-saaran tahay, maamulka kooxahooduna ay ka tashanayaan waqtiga ay warbaahinta la wadaagayaan warqadda iyo go’aanka…

Waa Kuma Qofka Ay Barcelona U Dooratay Inuu Lionel Messi Ku

Xiddigga Barcelona ee Lionel Messi ayuu heshiiskiisu dhacayaa dhamaadka xili ciyaareedkan socda, laakiin wax  ka yar laba bilood kaddib ayuu xor u noqon doonaa inuu la xaajoodo kooxaha kale isaga oo aan ka talo-gelinayn naadigiisa, isla markaana lasii gaadha kara heshiis is-faham.Sida uu qoray wargeyska Diario Sport, waxa jirta hubanti la’aan dhinaca madaxda kooxda ah oo aan haysanin qof ay ku kalsoon yihiin inuu awood buuxda u leeyahay inuu la xaajoodo Messi oo ku qancin kara inuu qandaraas cusub saxeexo.Arrintan oo…

“Caawa Ma Kalidaa Ayaa Seexanaya…? Miyaadan Saaxiibaddaa….?”

Erling Haaland ayay u ahayd habeen kale oo wanaagsan oo uu la saaxiibay shabaqa, waxaana inkasta oo aanay u suurtogelin inuu saddexley dhaliyo uu haddana awood u yeeshay inuu laba gool u saxeexo Borussia Dortmund kulankii ay 3-0 ku garaaceen naadiga reer  Belgium ee Club Brugge.Markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa waraysi nacasnimo leh lala yeeshay Erling Haaland, taas oo keentay inuu dhinacyada jalleeco, isla markaana kelmad kooban oo uu ka fiirsaday kaga jawaabo.20 jirkan mucjisada goolasha ah oo lagu yaqaano in marka la…

Paul Scholes Oo Magacaabay SADDEXDII Ciyaartoy Ee

Paul Scholes waxba uma qaban karayn kooxdiisii hore ee Manchester United, balse wuxuu farta ku fiiqay saddexdii ciyaartoy ee sababta u ahaa in Istanbul Basaksehir ay si xun ugu soo garaacdo waddanka Turkey habeenkii xalay, halkaas oo Red Devils ay kala soo laabatay guul darro lama filaan ahayd.Weeraryahankii hore ee Newcastle United iyo Chelsea ee Demba Ba oo hadda 35 jir ah ayay Manchester United xorriyad u siisay inuu gool cidlo ah kasoo dhaliyo, iyadoo xiddigaha tababare Solskjaer ay dhamaantood isku illoobeen dhinaca…

Labadii Ciyaartoy Ee Sababay Guul-darrada Manchester United,

Manchester United ayaa soo bandhigtay mid ka mid ah ciyaaraheedii ugu liitay muddooyinkii ugu dambeeyey, kulan ay marti u ahayd Istanbul Basaksehir, taas oo lagu garaacay 2-1.Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo kooxdiisu ay dhibaatooyin dhinaca horyaalka ah ku jirto, isla markaana fadhido kaalinta 15aad ayaa waxa ugu darsantay khasaare kale oo lama filaan ah.Daqiiqaddii 13aad ee ciyaarta ayay Manchester United fadeexaddii u horreysay la kulantay kaddib markii ay dhamaan ciyaartoygoodu ku wada xaroodeen dhinaca goolka Istanbul…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More