Jamaahiirta Liverpool Oo Dalbay Inay Garoomada Kusoo Noqdaan

Difaaca Liverpool ayay musiibo kale ku habsatay maanta kaddib dhaawac halis ah oo soo gaadhay Joe Gomez oo ahaa laacibka kaliya ee difaacyada dhexe badqabka u ahaa Reds ee ay kusii badbaadeen muddadii ay maqnaan Virgil van Dijk, Matip iyo Fabinho.Laacibkan ayaa dhaawac culusi kasoo gaadhay tababarkii xulka qaranka England uu la samaynayay maanta gellinkii hore, taas oo walaaca kuwsii kordhisay Liverpool oo marka horeba uu ka maqnaa Van Dijk oo xili ciyaareedka oo dhan seegaya iyo Fabinho oo si ku-meelgaadh ah booskiisa uga…

Barcelona Oo Markeeda Maxkamad La Tiigsanaysa Xiddiga Reer

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa maxkamadda ka dacwaynaysa xiddiga reer Brazil ee Neymar oo ay ka doonayso inuu dib ugu soo celiyo lacag dhan 10 milyan oo Euro oo hore loo siiyey.Kooxda reer Spain ayaa ku doodaysa in sannadkii 2015kii, xilligii uu laacibkan ku socday kiiska baadhitaankii lunsiga cashuuraha inay siiyeen lacago ka badan intii uu xaqa ugu lahaa, si ay uga daboolaan in wax  lagu helo, laakiin ay hadda ka doonayaan inuu dib ugu soo celiyo lacagtaas.Warkan oo uu qoray wargeyska El Mundo ee kasoo baxa gobolka…

Troy Deeney Oo Saadaaliyey Afarta Kooxood Ee Kaalmaha Ugu

Weeraryahnaka kooxda kubadda cagta Watford ee Troy Deeney  ayaa saadaaliyey afarta kooxood ee kaalmaha ugu sarreeya horyaalka Premier League ku dhamaysan doona xili ciyaareedkan.Troy Deeney oo ay kooxdiisu heerka labaad ee Championship u degtay xili ciyaareedkii hore ayaa waxa uu saadaashiisa bixiyey sannad ay aad iskugu dhow yihiin kooxuhu oo naadiyadii la filayay inay koobka hanan doonaan ay dhibaatooyin dhexda kaga jiraan.Liverpool oo koobka difaacanaysa ayaa lumisay saadaashii caddaanka ahayd ee xili ciyaareedkan markii…

Manchester United Oo Isku Dayaysa Inay Lasoo Saxeexato

Manchester United ayaa la sheegay inay isku dayayso inay dib ula soo saxeexato xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo la sheegayo inuu ka tegayo kooxdiisa hadda ee Juventus.Ronaldo oo hore ugu ciyaaray Manchester United sannadihii u dhexeeyey 2003-2009, lana qaaday saddex Premier League, Champions League iyo tartamada kale ee maxalliga ah ayaa waxa mar kale ay Red Devils doonaysaa inay kusoo celiso Old Trafford.Xiddigan oo sannadkii 2009kii ay Real Madrid ku iibsatay lacagtii ugu badnayd waqti aanu Sir Alex Ferguson…

Saddexlayda Ugu Khatarsan Iyo Kooxaha Ugu Weerarka Wanaagsan

Imaatinkii Luis Suarez ee Atletico Madrid, waxa uu abuuray in Diego Simeone ay hesho saddexlay khatar ah oo ay u fududdahay inay goolasha dhaliyaan, sidoo kalena ah cudud laga  sii baqdo.33 jirka reer Uruguay ayaa helay Joao Felix iyo Marcos Llorente oo u baahnaa inay khibrad ka korodhsadaan, isla markaana uu u noqdo macallin ay kaga daydaan qaabka gool-dhalinta iyo dhiirranaanta.Saddexdan ciyaartoy ayaa ah kuwa goolasha ugu badan ka dhaliyey horyaalka LaLiga, waxaanay saxeexeen 17 gool illaa hadda.Diego Simeone xili…

PSG Oo Aqbashay Inay Samaysay Qalad Weyn Oo Ay Ka

Agaasimaha ciyaaraha Paris Saint-Germain ee Leonardo ayaa qirtay in kooxdiisu ay samaysay qalad weyn markii ay ogolaadeen in Thiago Silva uu si bilaash ah ugu biiro Chelsea xagaagii tegay.PSG oo tagtay finalkii Champions League ee xili ciyaareedkii hore ayaa go’aansatay in aanay wax heshiis ah u bandhigin ruug-caddaagan difaaca ee Silva, waxaana ka faa’iidsaysatay Chelsea oo lasoo saxeexatay, laakiin hadda ayay ka qoomamoonayaan go’aankaas.“Mararka qaarkood, waxaanu nidhaahnaa ‘maxaynu samaynaynaa.’ Si cad ayaanu ula…

“Fadlan Naga Qari Oo Yaanaan Arkin Firmino Mar Dambe” –

Tababaraha Liverpool, Jurgen Klopp ayaa lagula taliyey inuu muddo laba toddobaad ah kursiga kaydka u diro laacibka reer Brazil ee Roberto Firmino, isla markaana uu booskiisa ka ciyaarsiiyo Diogo Jota.Halyeygii hore ee difaaca Liveprool ee Jamie Carragher ayaa u sheegay tababaraha kooxdiisa hore, in Roberto Firmino ay tahay inuu kasoo muuqdo kaydka, waqtiganna aanu sii ahaan karayn doorashada koowaad ee afka hore ee weerarka.Firmino ayaa kulamadii ugu dambeeyey hoos u dhac lagu arkayay xilli uu Anfield yimid Jota oo bandhig…

30kii Ciyaartoy Ee Ugu Qaalisanaa Dunida Ee Ay Da’doodu Ka

Ciyaartoydii ugu qaalisanaa kubadda cagta ee ay da’doodu ka hoosaysay 18 jirka xilligii la kala iibsaday ayaa daboolka laga qaaday kaddib markii da’yarka Jude Bellingham looga yeedhay xulka qaranka England ee kulamada caalamiga ah ee dhamaadka toddobaadkan iyo usbuuca dambe.Laacibkan khadka dhexe uga ciyaara Borussia Dortmund ee Bellingham ayuu tababare Gareth Southgate ugu yeedhay xulka, waxaanay u noqonaysaa markii ugu horreysay ee xulka waaweynka uu ka mid noqdo.€23 Milyan oo Gini oo Borussia Dortmund ay kasoo bixisay…

Neymar Jr Oo Laga Mamnuucay Barta Bulshada Ee Twitch-ka

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa laga xayiray isticmaalka bartiisa bulshada ee Twitch-ka bil kaddib markii uu kusoo daabacay lambarka telefoonka weeraryahanka Everton ee Richarlison.Neymar oo ah ciyaartoyga ugu qaalisan dunida, uguna biiray PSG lacag dhan £200 Gini sannadkii 2017kii, ayaa bartiisa bulshada kusoo daabici jiray tababarradiisa iyo ciyaaraha uu sameeyo.Bishii October oo kaliya, waqti badan kumay qaadanin inuu helo ku dhowaad 800,000 followers, laakiin hadda marka la isku dayo in janalkiisa lagu xidhmo, waxa uu…

Sidee Ayey Noqon Doontaa Shaxda PSG Kaddib Go’aankii Ay Ku

Cristiano Ronaldo ayay kooxdiisa Juventus doonaysaa inay iibiso kaddib laba xilli ciyaareed oo uu la qaatay, waxaana la sheegayaa in durba uu dalab ka yimid kooxda reer France ee PSG.Agaasimaha kubadda cagta PSG ee Leonardo ayaa xaqiijiyey in kooxdiisu ay tahay koox awoodda inay heshiis la gaadho 35 jirka reer Portugal, isla markaana siin karta mushaharka badan ee uu ka qaato kooxdiisa hadda ee Juventus.Haddii uu tago PSG, laacibkan ayaa ka garab ciyaari doona xiddigo waaweyn iyadoo uu weerarka ugu khatarta badan la abuuri…