Ukraine Oo Garaacday Spain, Jarmalka Oo Guul Loo Diiday Iyo
Xulka qaranka Spain ayaa guul-darro lama filaan ahi kasoo gaadhay ciyaar ay marti ugu ahaayeen Ukraine oo ka tirsanayd tartanka UEFA Nations League, taas oo ay kala soo laabteen khasaare.Tababare Luis Enrique ayaa ka hor tegay Andriy Shevchenko oo ah macallinka xulka Ukraine, waxaana kulankan oo uu kusoo bilowday Sergio Ramos uu isbeddel badani ka muuqday ciyaartoyda Spain oo xiddigihii ruug-caddaaga ahaa ay qaar badan oo ka mid ahi kaydka ku jireen.Sergio Busquets iyo Sergi Roberto ayay ciyaartu u dhamaatay iyagoo kaydka…