Isbeddel Lagu Samaynayo Qaabka Loo Ciyaarayo Champions
UEFA ayaa sheegtay in laga tashanayo in isbeddel rasmi ah lagu sameeyo qaabka loo ciyaaro tartamada Champions League iyo Europa League ee marka la gaadhayo wareega siddeedda, qorshahaas oo la hirgelin doono sannadka 2024.Xili ciyaareedkii hore ayaa isbeddello ay duruufo keeneen lagu sameeyey wareegyada siddeedda iyo laba-dhamaadka ee tartanka Champions League, xilligaas oo Korona Fayrasku uu qasab ka dhigay in waddanka Portugal la iskugu geeyo kooxaha oo dhan oo ay min hal kulan kaliya ciyaaraan, taas oo meesha ka saartay…
