Neymar Jr Oo SADDEXLEY Ku Jabiyey Rikoodhkii Gool Dhalinta

Neymar ayaa ka dul-tallaabsaday rikoodhkii gool-dhalinta halyeygii Brazil ee Ronaldo Nazario, kaddib markii uu saddexlay cajiib ah ka dhaliyey xulka qaranka Peru oo ciyaar dhamaatay saaka waaberigii ay ku garaaceen 4-1.Xiddiga PSG ayaa qaybtii hore ku furtay gool-dhalinta rikoodhe uu xulkiisa hoggaanka ugu dhiibay, isla markaana ku qasbay inay dib ugu fadhiistaan kuraastooda reer Peru oo joogay caasimaddooda Peru oo u dagaallamayay inay guuleystaan si ay ugu soo bixi karaan koobka adduunka ee 2022 lagu qaban doono waddanka…

Ukraine Oo Garaacday Spain, Jarmalka Oo Guul Loo Diiday Iyo

Xulka qaranka Spain ayaa guul-darro lama filaan ahi kasoo gaadhay ciyaar ay marti ugu ahaayeen Ukraine oo ka tirsanayd tartanka UEFA Nations League, taas oo ay kala soo laabteen khasaare.Tababare Luis Enrique ayaa ka hor tegay Andriy Shevchenko oo ah macallinka xulka Ukraine, waxaana kulankan oo uu kusoo bilowday Sergio Ramos uu isbeddel badani ka muuqday ciyaartoyda Spain oo xiddigihii ruug-caddaaga ahaa ay qaar badan oo ka mid ahi kaydka ku jireen.Sergio Busquets iyo Sergi Roberto ayay ciyaartu u dhamaatay iyagoo kaydka…

Wayne Rooney Oo Kala Doortay Midka Fiicnaa Paul Scholes,

Wayne Rooney ayaa kala doortay xiddigihii xulka qaranka England ee Paul Scholes, Frank Lampard iyo Steven Gerrard oo muddooyin ay garoomada ku jireen si weyn ugu soo xafiiltamay iyagoo kala metelaya Manchester United, Chelsea iyo Liverpool.Rooney oo ah kabtanka kooxda Derby County ee ka dhisan waddanka Ingiriiska ayaa kasoo garab ciyaaray kabtanka hore ee Liverpool ee Steven Gerrard iyo halyeyga Chelsea ee Lampard oo haddana tababare u ah Blues oo xulka qaranka England ay u wada ciyaareen, halka Paul Scholes ay waqti badan…

Zinedine Zidane Oo Helay Xogtii U Dambaysay Ee Dhaawaca

Real Madrid ayaa ogaatay xaaladda dhabta ah ee dhaawacii soo gaadhay goolhayaheeda Thibaut Courtois oo garoonka laga saaray xilli uu tababar la qaadanayey xulka qaranka Belgium.Courtois oo laf-dhabar u ah Real Madrid ayaan si dhab ah hore loogu shaacinin muddada uu garoomada ka maqnaan doono iyadoo uu dhaawacuna kasoo gaadhay muruqa lugta hoose oo booday xilli uu tababarka ku jiray, taas oo Los Blancos ku noqotay naxdin maadaama ay ciyaaro adag kusoo fool leeyihiin.Zinedine Zidane ayaa xiddigaha kooxdiisa u ciyaarinaya…

DAGAALKA U Dhexeeya Donald Trump & LeBron James Oo Meel Xun

Dagaalka afka ah ee u dhexeeya Madaxweynaha Maraykanka ee Donald Trump iyo xiddiga NBA-da ee LeBron James ayaa meel xun gaadhay, kaddib markii uu Trump iska diiday inuu u hambalyeeyo kooxda Los Angeles Lakers oo Axaddii ku guuleysatay horyaalka NBA-da Maryaknaka.Xiddiga Madowga ah ee LeBron James ayaa hormood u noqday ciyaartooyo badan oo ka dhiidhiyey qaabkii loo dilay laba nin oo midabkoodu madow ahaa oo lagu magacaabi jiray George Floyd iyo Breonna Taylor, kuwaas oo sababsaday gacanta booliska oo si axmaqnimo leh u…

Shaxda Adag Ee Arsenal Ay Kula Ciyaari Doonto Manchester

Arsenal ayaa Sabtida u tegi doonta Manchester City oo ay marti ugu noqon doonto garoonka Etihad Stadium, iyadoo ku hubaysan xiddigaha cusub ee ay xagaagan lasoo saxeexatay.Kulankii iskugu dambeeyey ee horyaalka Premier League ee labadan kooxood dhex maray, waxa guul-darro weyn oo 3-0 ah loosoo xambaariyey Arsenal taas oo ay kaga soo aargoosteen semi-finalkii FA Cup oo ay Gunners guul raaxo leh ka gaadhay City.Mikel Arteta ayaa markii saddexaad ka hor tegaya Pep Guardiola oo uu tababare ku-xigeen ugu ahaa Man City, waxaanu…

Garooma Ayuu Yimid Mucjisada Reer Japan Ee Pipi Ee Maanta &

Takuhiro Nakai oo loo yaqaano magaca gaaban ee ‘Pipi’, waa laacib aad loo qiimeeyo oo u dhashay waddanka Japan oo kasoo dhex muuqday tababarka kooxda koowaad ee Real Madrid labadii maalmood ee ugu dambeeyey, waxaana markii u horreysay ay Jamaahiirtu muuqaalkiisa ka arkeen Isniintii isagoo tababare Zinedine Zidane siinaya tilmaamaha tababarenimo isaga oo dhex taagan ciyaartoyda kale ee kooxda.Laacibkan khadka oo ay da’diisu tahay 16 jir ayaa waxa uu Real Madrid kusoo biiray markii ay da’diisu ahayd 9 jir, waxaana uu kasbaday…

Maxay Ahaayeen SAGAALKII Kalmadood Ee Thomas Partey Uu Ku

Thomas Partey ayaa maanta si buuxda loogu soo bandhigay garoonka Arsenal oo uu tababarkiisii ugu horreeyey la bilaabayo kaddib markii uu kusoo biiray kooxda maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciyaartoyda.Xiddigan khadka dhexe ee reer Ghana oo ka mid ahaa shan ciyaartoy oo xagaagan yimid garoonka Emirates Stadium oo Arsenal kusoo biiray, ayaa noqday xubintii ugu dambaysay ee Mikel Arteta uu saxeexiisa kusoo gunaanado suuqa dhowaanta xidhmay.Laacibkan ayaa markii uu heshiiska u saxeexay Arsenal, waxa uu u baxay ciyaaraha…

Liverpool & Manchester United Oo Ku Dagaallamaya Qorshaha

Liverpool iyo Manchester United ayay ka go’an tahay in la hirgeliyo qorshaha isbeddelka iyo dibu-qaabaynta loogu samaynayo horyaalka Premier League, kaas oo ay kasoo horjeedaan kooxaha yaryar, dawladda UK iyo maamulka Premier League oo u arkaya in duullaan lagu soo qaaday.Ra’iisal wasaaraha UK, Boris Johnson ayaa cambaareeyey qorshaha Project Big Picture ee ay soo diyaariyeen, dabadana ka riixayaan kooxaha Manchester United iyo Liverpool, kaas oo xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA uu ku tilmaamay inay saamigooda…

“Waxaan Noqon Karayaa Neymar-ka Cusub, Laakiin Ma Doonayo

Rodrygo Goes waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan ee usoo baxaysa Real Madrid, waxaanu mar horeba muujiyey awooddiisa iyo hibadiisa ciyaareed oo gaadhsiisay heer uu u ciyaaro Real Madrid, sidoo kalena looga yeedho xulka qaranka Brazil oo uu Neymar garabkiisa istaago.Kaddib markii ay Real Madrid xili ciyaareedkiisii ugu horreysay ee uu soo galay Yurub ay geystay kooxdeeda da’yarta ee Real Madrid Castilla, waqti badan kumay qaadan in markiiba uu Zidane kasoo dallacsiiyo oo uu kooxda koowaad kusoo daro, waxaana uu ku…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More