Wararkii ugu dambeeyey ee magacaabista guddiyada doorashada …

Muqdisho (Axadle) – Dowlad goboleedka Galmudug oo noqonaya maamulkii u dambeeyay ee soo gudbiya bedelka xubnihii guddiga doorashada ee cabashada laga muujiyey, ayada oo hore usoo gudbiyeen afarta dowlad goboleed ee kale. Sida ay Axadle u sheegen xubno ka tirsan madaxtooyada Galmudug, madaxweyne Qoor-Qoor ayaa kama dambeys illaa caawa xafiiska ra’iisal wasaaraha u gudbin doona xubnaha laga sugayay, kuwaasi oo dhan illaa shan xubnood. Xubnaha uu…

DEG DEG: Midowga Musharaxiinta Rooble u gudbiyey dalab xasaa…

Muqdisho (Axadle) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo saaray dalab deg-deg ah oo la xiriira guddigii uu ra’iisal wasaare Rooble u xil saaray baarista Askartii ay dowladda u qaaday dalka Eritrea, oo ay ku dalbanayeen in uu dib usoo magacaabo ra’iisal wasaaraha guddigaas. Bayaan ay soo saareen Golaha ayaa ugu horeyntii lagu soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday ra’iisal wasaare Rooble, oo uu guddi heer qaran ah ugu magacaabay sidii ay baaritaan ugu…

Midowga Musharaxiinta oo Rooble u gudbiyey dalab xasaasi ah …

Muqdisho (Axadle) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo saaray dalab deg-deg ah oo la xiriira guddigii uu ra’iisal wasaare Rooble u xil saaray baarista Askartii ay dowladda u qaaday dalka Eritrea, oo ay ku dalbanayeen in uu dib usoo magacaabo ra’iisal wasaaraha guddigaas. Bayaan ay soo saareen Golaha ayaa ugu horeyntii lagu soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday ra’iisal wasaare Rooble, oo uu guddi heer qaran ah ugu magacaabay sidii ay baaritaan ugu…

Daawo: Digniin laga bixiyey isku day wasiir Duraan uu garoon…

Muqdisho (Axadle) – Waxaa si weyn isu-soo taraya cabasho xoogan oo laga muujinayo hadal kasoo yeeray Wasiirka gaadiidka iyo duulista Soomaaliya, kaasi oo uu ku sheegayay in uu shaqo billaabi doono garoon la sheegay in laga dhisayo dhul shacab laga boobay oo ku yaalla degmada Deyniile. Cabashada ayaa waxay ka taagan tahay goobta ay dowladda u asteysay garoonka laga hirgelinayo degmada Deyniile, maadama uu yahay dhul shacab oo maamulka degmada…

Madaxii hore ee Sirdoonka Israel oo sameeyay qirasho lama fi…

Tel Aviv (Axadle) – Madaxa sirdoonka Israel ee Mossad ee xilka ka degaya ayaa sameeyey qirashadii ugu dhoweyd oo ah in dalkiisa uu ka dambeeyey weeraro dhowaanahan lagu qaaday Nukliyeerka Iran iyo saynisyahano militari. Yosi Cohen oo la hadlay barnaamijka daba-galka ee “Uvda” oo ka baxa taleefishinka Channel 12 ee dalkaas ayaa bixiyey qirasho aan caadi aheyn oo aan laga fileyn madaxa hay’ad sirdoon. Hadalladiisa ayaa sidoo kale diginin cad u diray…

Guddiga uu magacaabay Rooble oo ballan-qaad muhiim ah ka hel…

Muqdisho (Axadle) – Guddigii Farsamada arrimaha doorashooyinka ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Caasimadda Muqdisho kulan kula qaatay saraakiil sarre oo ka socota Qaramada Midoobay. Guddiga Farsamada iyo Kooxda ka socotay QM ayaa ka wada-hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan isu-duwida iyo mideynta howlaha lagu taageerayo dadaalada Ra’iisal wasaare Rooble ee hirgelinta…

Xog: Taliyeyaal ciidan iyo saraakiil isbaarooyin dhigtay Muq…

Muqdisho (Axadle) – Axadle ayaa xaqiijisay in saraakiil sare oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay lacago ka qaataan Isbaarooyin ay ciidanka dowladda dhigteen waddada xariirsa Muqdisho iyo Afgooye, iyo sidoo kale xaafado ka mid ah Muqdisho.  Isbaarooyinka yaalla gudaha Muqdisho ayaa ku teedsan wadada aada Ex Contarol Balcad ama xaafado kamid ah degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, waxaana dadweynaha looga qaadaa lacag u dhaxeysa $2 ilaa $10, iyadoo…

Jabuuti war kasoo saartay go’aanka Soomaaliya ee xiriirka Ke…

Jabuuti (Axadle) – Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Jabuuti, Mudane  Maxamuud Cali Yuusuf oo soo saaray war qoraal ah ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay dowladda federaalka ee ku aadan dib usoo nooleynta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Wasiirka ayaa marka hore soo dhoweeyey go’aanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee dib loogu soo celinayo xiriirka ay la laheyd Kenya, isaga oo ku tilmaamay horumar weyn. Sidoo kale wuxuu intaasi ku…

Shabakad isku xiran oo Al-Shabaab ah iyo sarkaakiil oo lagu …

Gaalkacyo (Axadle) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gal qorsheysan oo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen gudaha magaalada Gaalkacyo. Sanyare ayaa wariyeyaasha u sheegay in howl-galkan lagu qabtay saraakiil iyo dagaal yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayey gudaha…

Mareykanka oo ciidamo la dagaalamo Al-Shabaab usoo diraya Ke…

Nairobi (Axadle) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisa ay ciidamo gaar ah oo la dagaalama kooxda Al-Shabaab usoo direyso Kenya, si ay ciidamada dalkaasi uga taageeraan howl-gallada dhanka milatari. Joe Biden ayaa go’aankani ku dhawaaqay, kadib markii uu wada-hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay dhiggiisa dalkaasi Kenya, iyaga oo ka wada-hadlay arrimaha siyaasadda, amniga, xoojinta xiriirka labada dal iyo…