Hargeysa (Axadle) – Xisbiyada mucaaridka Gobaladda Waqooyi ee Waddani iyo Ucid ayaa waxay hadda magaalada Hargeysa kaga dhawaaqeen isbaheysi cusub, kadib ku dhawaaqistii natiijadii u dambeysay ee doorashooyinka Gobaladda Waqooyi.
Labada Xisbi ayaa isbaheysigan cusub u magacaabay hogaan isku-dhafan oo ka tirsan Waddani iyo Ucid, waxayna ka shaqeynayaan sidii labada xisbi ay u hanan lahaayeen hogaanka golaha wakiilada iyo deegaanada.
Guddiga hogaaminaya isbaaheysigan cusub ayaa waxay tiradoodu dhan tahay 10 xubnood,…