Patrice Evra Oo Dalbaday In La Kansalo Qandaraaskiisa Sky

Patrice Evra ayaa codsaday in la kansalay qandaraaskiisa khabiirnimo ee Sky Sports ka dib markii uu daawaday kooxdiisa hore ee Manchester United oo guuldarro 6-1 ay ka soo gaartay Tottenham.Daaficii hore ee Red Devils ayaa u muuqday mid aad uga murugeysan xaasuuqii soo gaaray United isagoo soo jeediyay in madaxda Man United ay mudan yihiin in la dharbaaxo.“Alexis Sanchez ayaa hadal yiri markii uu u saxiixay Man United, tababarkiisii ugu horeysay ee kooxda wuxuu weydiistay wakiilkiisa in la kansalo qandaraaskiisa” ayuu Evra…

Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Man United & Tottenham,

Man United ayaa guuldarro weyn ay ka soo gaartay Tottenham oo uu hogaamiyo macalinkoodii hore Jose Mourinho iyadoo 6-1 lagu xasuuqay xilli uu qeybtii hore casaan ka qaatay weeraryahankooda Anthony Martial.United ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed liita iyagoo weli dhibaato ka qaba dhanka daafaca inkastoo uu u joogo daafaca ugu qaalisan dunida.XIDDIGA GAROONKA: HARRY KANE (TOTTENHAM)Weeraryahanka Ingariiska ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u fiican kulankii caawa, isagoo khamiistii seddexleey ka soo dhaliyay Europa…

Man United Oo Lagu Qiyaanay Saxiixa Harry Maguire, Lamela Oo

1. Kubad difaacashada Man United oo noqotay maadWax badan ayaa dhacay ka dib markii Man United ay heshay rigoore ay hogaanka ku qabteen markii uu Davinson Sanchez qalad ku galay Martial.Laakiin haddii difaacashada Sanchez ay aheyd mid xun, waxaa taas qariyay qaabka qosolka leh ee ay kubada u difaacdeen Man United daqiiqado ka dib.Kubad gacan ah oo la soo tuuray ayaa waxaa madaxeeyay Maguire isagoo damacsanaa inuu bixiyo.Laakiin bedelkii uu bixin lahaa Maguire wuxuu kubada u celiyay Bailly, kaasoo isna madax kale ku soo…

Daawo Goos-Gooska Laga Sameeyay Wacdarihii Uu Chelsea U

Kulankii ugu horeeyay ee Premier League ee Ben Chilwell uu u safto Chelsea waxa uu dhigay wacdarro weyn isagoo ciqaabay kooxda kale ee reer London ee Crystal Palace.Ka dib si aayar ah uu ku bilowday qeybtii hore, daafaca bidix ee Ingariiska ayaa la soo baxay qaab ciyaareed cajiib ah qeybtii labaad isagoo gool dhaliyay islamarkaana caawiye ka noqday mid kale kulankii ay Blues 4-0 ku badisay ee ka dhacay Stamford Bridge.Chilwell ayaa furay goolasha ka dib markii uu shabaqa dhex dhigay kubad ay iska bixin waayeen Crystal Palace…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Leeds vs Man City – Guardiola Oo

Manchester City ayaa dooneysa inay ku soo laabato wadada guusha ee horyaalka Premier League ka dib xasuuqii isbuucii la soo dhaafay ka soo gaaray kooxda Leicester City iyagoo caawa la ciyaaraya kooxda Leeds United oo marti loo yahay.Tababare Pep Guardiola ayaa kulankiisii ugu horeysay ku soo bilaabay daafaca dhexe Ruben Dias kaasoo 62 milyan ginni isbuucaan uga soo wareegay kooxda Benfica.Weeraryahanada Sergio Aguero iyo Gabriel Jesus ayaa weli dhaawac ku maqan taasoo la micno ah Sterling uu ka ciyaaro booska 9ka beenta ah…

Muxuu Frank Lampard Ka Yiri Rigooradii Uu Tammy Abaraham Ku

Tababare Frank Lampard ayaa ka hadlay dhacdadii uu weeraryahan Tammy Abraham rigoorada kula dhegay Jorginho dhamaadkii ciyaarta markii Blues loo dhigay rigooradii labaad ee kulankii ay 4-0 ku xaaqeen Crystal Palace.Iyadoo ciyaarta ay mareyso 3-0 islamarkaana uu Jorginho u saxiixay rigooradii koowaad ee kooxda loo dhigay ayay Chelsea heshay rigoore labaad daqiiqadii 81aad ee ciyaarta markii uu Sakho xerada ganaax qalad kula galay Kai Haverz.Tammy Abraham ayaa durbadiiba kubada ku booday si uu u tuuro rigoorada halka Jorginho…

Chelsea Oo Gurigeeda Ku Xasuuqday Crystal Palace, Saxiixooda

Chelsea ayaa ku soo noqotay wadada guusha iyadoo 4-0 ku xasuuqday kooxda Crystal Palace oo marti ugu aheyd Stamford Bridge xilli saxiixooda cusub Ben Chiwell uu wacdarro dhigay kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ee uu Chelsea u safto.Ben Chilwell ayaa kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ee Chelsea waxa uu isku darsaday gool iyo caawin halka Jorginho uu isna labo rigoore u saxiixay kooxda Chelsea iyadoo sidoo kale Kurt Zouma uu shabaqa soo taabtay.Guushaan ayaa ka dhigan in Chelsea ay wadada guusha ku soo…

Xiddigii Labaad Ee Weyn Ee Liverpool Oo Laga Helay Cudurka

Sadio Mane ayaa laga helay cudurka Korona Fayras, wuxuuna seegi doonaa kulanka Premier League ee ay Axada la ciyaari doonaan kooxda Aston Villa. Xiddiga reer Senegal oo 28 sanno jir ah ayaa noqday xiddigii labaad ee Liverpool ee uu ku dhaco Koorna Fayras iyadoo uu sidoo kale ku dhacay saxiixa cusub Thiago Alcantara. Labada xiddig ayaa seegi doona kulanka Premier League ee Aston Villa ee Axada iyadoo Thiago uu seegay kulankii Carabao Cup ee ay guuldarada ka soo gaartay Arsenal Khamiistii. Liverpool ayaa xaqiijisay in…

Liverpool Oo 23 Milyan Ugu Iibisay Xiddigeeda Mustaqbalka

Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay inay weeraryahanka Rhian Brewster ka iibiyeen kooxda Sheffield United oo ka ciyaarta isla horyaalka Premier League.20 jirkaan ayaa heshiis 23.5 milyan ginni ah uga tagay kooxda Liverpool ka dib markii uu fursad ka heli waayay tababare Jurgen Klopp.Laakiin Liverpool ayaa heshiiska ay ku iibiyaan da’ yarkaan waxay ku dareen qodob ah inay dib u soo iibsan karaa mustaqbalka taasoo muujineysa in Reds ay weli rajo ka qabto xiddigaan iyo tayadiisa.Liverpool waxay heysataa muddo seddex sannadood ah…

Koox Ingariis Ah Oo La Saxiixatay Daaficii Ugu Qaalisanaa Ee

Tababaraha kooxda Leicester City Brendan Rodgers ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay saxiixa Wesley Fofana oo 40 milyan euro uga soo iibsadeen kooxda Faransiiska ee St Etienne.19 jirkaan ayaa heshiis shan sannadood ah u saxiixa kooxda maanta oo Jimce ah isagoo tijaabada caafimaadka ku maray dalka Jarmalka, wuxuuna ku biirayaa Leicester ka hor kulankooda Premier League ee ay Axada la ciyaarayaan West Ham.Leicester City ayaa bixisay 35 milyan euro oo kaash ah iyo shan milyan euro oo ku xiran qaab ciyaareedka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More