Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Xiddigii Garoonka, Laacibiintii Faddexaadoobay Iyo Qiimaynta

Marcelo Bielsa iyo Pep Guardiola ayaa markii ugu horreysay iskaga hor yimid horyaalka Premier League iyadoo labadooduba ahaayeen ardaydii uu soo tababobaray John Cruyff, waxaana ciyaar muddo laga sii sheekeeyey ay jilbaha isku dareen Elland Road iyagoo kala hoggaaminaya Leeds United iyo Man City.Manchester City ayaa firfircooni ku bilaabatay ciyaarta, waxaana gool u dhaliyey Raheem Sterling daqiiqaddii 17aad, waxaana ka horreeyey fursado kale oo dahabi ahaa oo ay heleen iyo kuwo ka dambeeyey oo ay ku badsan karayeen…

Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Ciyaartoyda Real Madrid

Zinedine Zidane ayaa u yeedhay hal ciyaartoy oo difaac ah oo heerka labaad ee Castilla ka tirsan, si uu u buuxiyo booska ay ka dhaawacmeen labada ciyaartoy ee Dani Carvajal iyo Alvaro Odioziola.Real Madrid ayaa ciyaarteeda saddexaad ee xili ciyaareedkan, waxay Axadda ku waajihi doontaa Levante iyadoo raadinaysa guushii saddexaad oo xidhiidh ah kaddib barbaro ay ku bilowdeen kulankii furitaanka oo ay goolal la’aan ku kala baxeen Real Sociedad.Tababare Zidane ayaa soo xushay 20 ciyaartoy iyadoo sharcigu u ogol yahay 23 laacib,…

Leeds United Oo Barbarro Ku Qabatay Man City, Guardiola Oo

Kooxda kubadda cagta Leeds United ayaa barbarro ku qabatay Manchester City oo ay ku martigelisay garoonkeeda Elland Road, kulan ay labada kooxoodba fursado badan iska lumiyeen.Man City oo ciyaartii hore 5-2 lagaga soo adkaaday ayaa u dagaallamaysay inay kasoo kabato guul-darra Leicester u xambaarisay usbuucii hore, waxaanay u timid Leeds United oo garoonkeeda joogtay, isla markaana labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey soo guuleysatay.Raheem Sterling ayaa ciyaarta ku furay gool qurux badan oo uu difaaca Leeds waabiyey ka hor…

Manchester United Oo Ka Faa’iidaysanaysa Saacadaha Ka Hadhay

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ka faa’iidaysanaysa saacadaha kooban ee ka hadhay suuqa iibka ciyaartoyda, waxaanay heshiis la gaadhay xiddigii labaad ee xagaagan kusoo biiraya.Manchester United oo hore u diiwaangashatay Donny van de Beek oo kaliya, waxay muddo ku jirtay suuqa iyadoo lala xidhiidhinayay ciyaartooyo badan oo ugu horreeyey Jadon Sancho oo Borussia Dortmund ay ka biyo diidday qiimaha ay Red Devils ula tagtay.Sidoo kale, dhawr ciyaartoy oo kale oo ay ka mid ahaayeen Sergio Reguilon, Gareth Bale, Jack…

Zinedine Zidane Oo Ka Hadlay In Real Madrid Lasoo

Tababare Zinedine Zidane oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Madrid ka hor kulanka Levante ay habeen dambe la ciyaari doonaan ayaa waxa uu soo qaaday ciyaartoyda tirada badan ee ka dhaawacan kooxdiisa, laacibka reer France ee Houssem Aouar haddii kooxdiisu lasoo saxeexan karayso iyo xiddigaha u baxaya kulamada caalamiga ah.Zidane oo ugu horreyn la weydiiyey laacibka kooxdiisa iyo Arsenal ba lala xidhiidhinayo ee Houssem Aouar ayaa yidhi: “Ma garanayo waxa uu yahay macluumaadka aad ka haysaan, balse waa ciyaartoy…

Rio Ferdinand Oo U Sheegay Chelsea Xiddig Ay Tahay In

Halyeyga Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa u sheegay Chelsea inay ka faa’iidaystaan maalmaha hadhay suuqa iibka ciyaartoyda oo ay Arsenal ka hor qaadaan laacib kubbad-burburiye iyo sameeyeba ah oo muddo dheer uu Mikel Arteta ku raad-joogay.Chelsea ayay diiraddeedu haysaa laacibka reer England ee Declan Rice oo West Ham ka tirsan, laakiin Rio Ferdinand ayaa rumaysan in xiddiga ay u baahan yihiin aanu ahayn laacibkan.Rio Ferdinand waxa uu sheegay in Thomas Partey oo khadka dhexe uga ciyaara Atletico Madrid, in muddo ahna…

Daawo Goos-Gooska Laga Sameeyay Wacdarihii Uu Chelsea U

Kulankii ugu horeeyay ee Premier League ee Ben Chilwell uu u safto Chelsea waxa uu dhigay wacdarro weyn isagoo ciqaabay kooxda kale ee reer London ee Crystal Palace.Ka dib si aayar ah uu ku bilowday qeybtii hore, daafaca bidix ee Ingariiska ayaa la soo baxay qaab ciyaareed cajiib ah qeybtii labaad isagoo gool dhaliyay islamarkaana caawiye ka noqday mid kale kulankii ay Blues 4-0 ku badisay ee ka dhacay Stamford Bridge.Chilwell ayaa furay goolasha ka dib markii uu shabaqa dhex dhigay kubad ay iska bixin waayeen Crystal Palace…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Leeds vs Man City – Guardiola Oo

Manchester City ayaa dooneysa inay ku soo laabato wadada guusha ee horyaalka Premier League ka dib xasuuqii isbuucii la soo dhaafay ka soo gaaray kooxda Leicester City iyagoo caawa la ciyaaraya kooxda Leeds United oo marti loo yahay.Tababare Pep Guardiola ayaa kulankiisii ugu horeysay ku soo bilaabay daafaca dhexe Ruben Dias kaasoo 62 milyan ginni isbuucaan uga soo wareegay kooxda Benfica.Weeraryahanada Sergio Aguero iyo Gabriel Jesus ayaa weli dhaawac ku maqan taasoo la micno ah Sterling uu ka ciyaaro booska 9ka beenta ah…

Muxuu Frank Lampard Ka Yiri Rigooradii Uu Tammy Abaraham Ku

Tababare Frank Lampard ayaa ka hadlay dhacdadii uu weeraryahan Tammy Abraham rigoorada kula dhegay Jorginho dhamaadkii ciyaarta markii Blues loo dhigay rigooradii labaad ee kulankii ay 4-0 ku xaaqeen Crystal Palace.Iyadoo ciyaarta ay mareyso 3-0 islamarkaana uu Jorginho u saxiixay rigooradii koowaad ee kooxda loo dhigay ayay Chelsea heshay rigoore labaad daqiiqadii 81aad ee ciyaarta markii uu Sakho xerada ganaax qalad kula galay Kai Haverz.Tammy Abraham ayaa durbadiiba kubada ku booday si uu u tuuro rigoorada halka Jorginho…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More