Zidane Oo God Dheer Ku Riday Fursada Xiddig Ay Jamaahiirta

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa u muuqday mid god dheer kusii riday fursada weeraryahan Luka Jovic oo ay jamaahiirtu wax badan ka filayeen isagoo kasoo horreysiinaya Mariano Diaz oo ay boos wadaag yihiin.

Tan ayaan dad badan yaab gelin doonin maadaama oo uu Mariano sidan oo kale Jovic ugaga soo horreeyay xulashada Zidane bishii March markaas oo uu bedel kusoo geliyay kulan El-Clasico ah isla markaana uu Mariano dhaliyay goolkii ugu dambeeyay ee ay kusoo dhaliyeen Bernabeu.

Suuqii xagaagii dhawaa, Mariano Diaz ayaa gabi ahaanba diiday inuu koox kale oo uu wakhti ciyaareed badan ka heli lahaa ku biiro isaga oo aaminsanaa inuu Real Madrid oo ku dhibtoonaysa safka weerarka ka caawin doono gool dhalinta.

In Zidane uu bedel kusoo geliyay Mariano kahor Jovic kulankii Valencia ee ugu dambeeyay ayaa qish ka ah in markale Mariano uu gacanta sarre ka leeyahay Luka Jovic.

14 daqiiqo oo uu garoonka ku jiray Mariano kulankii Mestalla Stadium ayuu u muuqday mid ka wanaagsan oo ka fir-fircoon Jovic isaga oo saddex darbo laagay, saddex jeer kubadda dib ugu soo guuleystay isla markaana ku guuleystay dhammaan kubaddihii sarre ee uu ku dagaallamay.

Walow uusan ka qayb ahaanshihiisii kulankaasi noqon mid natiijo usoo celin kara Real Madrid haddana Zidane ayaa aqoonsaday sida uu Mariano markasta u doonayo inuu caawiyo Los Blancos.

Hadda Mariano ayaa ku jira xaalad jidh ahaaneed oo wanaagsan waxaana uu gadaal usii celiyay ahaanshihii weeraryahanka dookha labaad ee Zidane.

Walow uu Benzema yahay lama taabtaanka weerarka ee Real Madrid haddana Diaz ayaa u dagaal geli kara inuu fursado inta uu hadda helo ka badan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More