12 Murashax madaxweyne oo ku goodiyay in ay qaadacayaan

12 murashax madaxweyne oo u taagay xilka ugu sareeya Soomaaliya doorashada 2020-21 ayaa ku goodiyey in ay qaadici doonan doorashooyinka hadii aan xal loo helin diidmada ay kala hortageen guddiyadda doorashada ee ay magacaawday Xukumadda Raysul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay ku tilmaameen shaqaale ka tirsan Xafiiska Hogaamiyaha iyo saraakiil ka tirsan NISA inkastoo aysan soo bandhigin cadaymo muujinayo in guddiga ay ku jiraan saraakiil ka tirsan hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen ayay ku dalbadeen in guddiyadda laga saaro xubnaha ay qoonsadeen ee ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin hay’adda sirdoonka, shaqaalaha madaxtooyadda iyo kalkaaliyaasha Hogaamiye Farmaajo.

Si gaar ah guddiga soo xulaya Xildhibaanadda baarlamaanka federaalka ee matala Gobaladda Waqooyi ayay ku nuux-nuux sadeen in ay doonayaan in uu soo magacaabo afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi inkastoo xukumadda Soomaaliya ay horay umagacaawday guddigaasi.

“Hadaba, Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa – iyaga oo ilaaliyo nidaamka metelaadda siyaasadeed ee Dalka, isu-dheellitirnaanta iyo madaxbannaanida guddiyada doorashada – ay cadaynayaan, si la mid ah sidii lagu maareeyey magacaabista xubnaha guddiyada doorashada kuraasta Gobaladda Waqooyi 2016, in waqtigan Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi hadana ka mid ah hoggaanka ugu sarreeya Dalka isla markaasna ka soo jeeda Gobollada Waqooyi uu sharciyad buuxda u haysto in uu magacaabo xubnaha gobolladaasi ku metelaya Guddiyada Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka ee Heer Federaal” ayay ku sheegeen bayaan ka kooban saddex warqadood oo ay aragtay Axadle.

“Waxaan sidoo kale cadeyneynaa in aan aqoonsanahay oo kaliya xubnaha uu Guddoomiyaha Aqalka Sare u soo magacaabo maareynta doorashooyinka kuraasta Gobollada Waqooyi ee Gobaladda Waqooyi ku metelaysa Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” ayaa raaciyeen hadalkooda.

Xukumadda ayaa ku doodaysa in heshiiskii ay wadagaareen Hogaamiyaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaamiyaasha Dowlad-goboleedyada dalka uu dhigayay in Xukumadda soo magacaawdo guddiga doorashadda heer Faderaal iyo guddiga maamulaya soo xulista xildhibaanadda labada aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Gobaladda Waqooyi.

Xasan Cali Khayre Raysul wasaarihii Baarlamaanka Soomaaliya shaqa ka eryeen oo cadeeyay in uu ka midyahay musharixiinta soo saaray bayaanka cinwaankiisu yahay “Mawqifka iyo Go’aanka Musharrixiinta Madaxweynenimada Soomaaliya ee ka qaybgalka doorashada 2020/21” ayaa sheegay in ay muhiintahay in saraakiisha amaanka ay ka madaxbanaanaadaan guddiyada doorashadda Soomaaliya.

“Aniga oo aaminsan in ciidamada amnigu ay hayaan shaqo qaran oo aad muhiim u ah ayna naga mudan yihiin sharaf iyo karaamo, hadana sax ma  aha inay ka mid noqdaan guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

“Sidoo kale, waxaan aaminsanahay guddiga maamulaya kuraasta Gobollada Waqooyi ee Gobaladda Waqooyi in loo maareeyo qaab wadar-oggol ah, qaddarin leh, waafaqsanna heshiiskii DFS iyo Maamul Goboleedyadu ku gaareen Muqdisho 26kii September 2020” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xasan Cali Khayre musharax Hogaamiye Soomaaliya ee 2020-21 ayaa intii uu ka tirsanaa Xukumadda Nabad iyo Nolol waxa uu aad u dhaliili jiray siyaasadda xubnaha mucaaradka ah ee ay ugu horeeyaan hogaamiyayaasha Hogaamiye-yaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif iyo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More