Skip to content
Sunday, September 20, 2026 7 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:39
Muqdisho 26°C
Breaking: North Western State of Somalia Bans Armed Mobilization in Awdal, Selel Regions After Renewed Tensions
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Al-Shabaab oo sheegatay in ay weerartay Saldhigyo Ciidanka

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar ay u adeegsatay Hoobiyaal & qoryaha fud-fudud in ay ay ku qaaday saldhigyo Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Deegaannada kala ah Hoosinogw, Taabto & Degmada Afmadow.

Weerarkaan ayaa dhacay xalay saq dhexe sida Al-Shabaab sheegatayy, waxa uu socday muddo daqiiqado ah, mana soo bandhigin waxyeelo dhankooda gaartay & khasaare ay gaarsiiyeen Ciidamada Kenya.

- Advertisement -

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa daabacday in weerarka oo ka bilawday Hoobiyaal lagu tuuray Xeryaha Askarta kenyanka ah ee dalka ku jooga howlgalka Midowga Afrika AMISOM & Jawaab ay bixiyeen.

Kadib waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Shabaab & Ciidamada Kenya sida hadalka loo dhigay, balse ma sheegin tiro rasmi ah oo dhimasho & dhaawac ah oo wax ku noqday iska hor imaadka.

Dowladda Kenya wali kama aysan hadlin sheegashada Al-Shabaab, sidoo kale Ururka Midowga Afrika oo ay xiran yihiin Koofidooda Cagaaran war kama soosaarin weerarkaan & khasaaraha ka dhashay oo ay ogyihiin.

Askarta Kenya ayaa mas’uul ka ah ammaanka deegaannada DG Jubbaland oo intooda badan ay ku sugan yihiin Gobolka Jubada Hoose, waxa ay gacanta ku hayaan Degmooyinka & Garoomada Diyaaradaha, waxaana la howlgala Ciidamada Jubbaland.

Axadle.

How do you rate this story?

0 votes