Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa ka dhacay howlgal ay sameeyeen Ciidamada ammaanka DFS ay geysay Degmadaas, kadib markii la dhaawacay Hanti dhowraha Magaaladaas Cabdirashiid Cabdulqaadir Warsame.
Ninkaan ayaa la weeraray xili uu ku sugnaa Bartamaha Magaalada, dhaawac ayaa soo gaaray, waxaana la geeyay mid kamid ah Goobaha Caafimaadka ee ku yaalla Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo si loo daweeyo.
- Advertisement -
Kooxda weerarka fulisay ayaa baxsatay kahor inta aysan goobta tagin Ciidamada ammaanka oo sameeyay baaritaanno ay ku qab-qabteen shaqsiyaadka ay la xiriirinayaan in ay ka dambeeyeen ama wax ka ogaa falkaan.
Laamaha ammaanka DFS ayaa sii daayay qaar kamid ah dhalinyarada ay ku qabteen howlgalka, halka kuwa ay ka shakiyeen ay la aadeen xarumahooda baarista sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka degmada.
Degmooyinka Gobolka Gedo waxaa intooda badan maamula Ciidamada Dowladda Federaalka oo intooda badan laga qaaday Magaalada Muqdisho, marar kala duwan waxaa ka dhacay dilal ay sheegatay Al-Shabaab & howlgalo ay sameeyeen Askarta DFS.
Axadle.