Skip to content
Tuesday, September 22, 2026 9 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:39
Muqdisho 25°C
Breaking: Puntland State Hands Over Detained Federal Recruits to Galmudug State
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Diiwaangelinta Musharixiinta Hogaamiyaha & ku xigeenka

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Magaalada Jowhar ee xarunta DG Hir-Shabeelle waxaa maanta ka bilaabaneysa diiwaangelinta musharixiinta Hogaamiyaha & ku xigeenka maamulkaas oo soconeysa ilaa beri oo ku beegan 9-ka November 2020.

Musharixiinta qaarkood ayaa kusii dhawaaqay in ay u tartamayaan xilka madaxweynaha & ku xigeenka DG Hir-Shabeelle, saacadihii lasoo dhaafay waxa ay wadeen dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ay kusoo bandhigayaan hamigooda.

- Advertisement -

Xubnaha Guddiga oo soo saaray habraaca Doorashada ayaa go’aamiyay in la diiwaangeliyo musharixiinta Hogaamiyaha & ku xigeenka 8-da November 2020 oo maanta ah & 9-ka November 2020.

Xubnaha qaata shahaadada waxa ay Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabeelle hortagaan 10-ka November 2020 oo Talaadada ah, halka 11-ka November 2020 oo Arbacada ah ay dhaceyso Doorashada Hogaamiyaha & ku xigeenka.

Doorashada Hir-Shabeelle waxaa loolan xooggan ka sameynaya DFS & Xisbiyada Mucaaradka, maadaama labada dhinac ay kala wataan shaqsiyaad ay la rabaan in ay hoggaamiyaan Dowlad Goboleedkaas.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa labo jeer tagay Magaalada Jowhar isaga oo safarkiisa ku micneeyay mid uu ku xalinayo tabashooyin ka taagan dhismaha maamulkaas.

Axadle.

How do you rate this story?

0 votes