Donald Trump Iyo Joe Biden Oo Weerar Ku Qaaday Ciyaartoy Ka

Moi Elyounoussi ayaa dunida kaga yaabiyey markii uu telefoonka lasoo baxay isaga oo kaydka fadhiya, isla markaana uu ku mashquulay baraha bulshada, xilli kooxdiisa si xun loogu karbaashay garoonka dhexdiisa oo uu isaguna indhihiisa ku arkayay.

Celtic ayaa laga dhaliyey afar gool ciyaartii Sparta Prague, waxaanay u ahayd guul-darradii saddexaad ee xidhiidh ah ee loo xambaariyey, taas oo xataa halis gelinaysa inay kusii jiri kari doonaan tartanka Europa League.

Kooxdan reer Scotland ayaa kaalinta ugu hoosaysa kaga jirta Groupka H ee tartanka Europa League oo ay hoggaaminayso kooxda reer France ee Lille oo haysata toddoba dhibcood, ayna kusoo xigto AC Milan oo lix dhibcood haysata, halka Sparta Prague ay saddexdii dhibcood ee ugu horreysay diiwaan-gashatay, balse Celtic ayaa hal dhibic oo kaliya leh, waxaanay u muuqataa in ay uga dhamaatay tartanka.

Moi Elyounoussi ayaa jamaahiirta kooxdiisa iyo tababareyaashaba illowsiiyey guul-darrada ugu dambaysay, waxaana 24kii saacadood ee ugu dambeeyey lagu dhalleecaynayay falkii uu ka sameeyey kursiga kaydka, kaddib markii uu lasoo baxay telefoonkiisa gacanta oo uu ku mashquulay.

Xilli ay dadku isha ku hayeen doorashada Madaxtinimada Maraykanka, laakiin waxa dadkii daawaday muuqaalkii laga duubay ay keeneen in dad badan ay xataa doorashadaas laga mashquulo.

Tababare Paul Lambart ayaa BBC Sports u sheegay in laacibkani uu dhulka la galay sharaftii kooxda, isla markaana aanay arrintiisu ahayn wax loo dul-qaadan karo.

Inkasta oo uu Moi Elyounoussi ku dooday inuu fiirinayey natiijada kulankii AC Milan iyo Lille, haddana dad badan oo ay ku jiraan Donald Trump iyo Joe Biden ayaa uu dareenkooda soo jeediyey, xilli ay ku mashquulsanaayeen natiijada doorashadooda.

Sida uu qoray wargeyska Daily Records, halyeygii NBA-da Maraykanka ee Michael Jordan ayaa bartiisa bulshada kusoo qoray: “Waxaan u malaynayay inay dhamaatay xirfaddaydii kubadda cagta, laakiin markii aan arkay Elyounoussi oo telefoonkiisa ku mashquulsan, waxaan taas u qaatay si shaqsi ah.”

Donald Trump ayaa isaguna ka hadlay arrintan, waxaanu yidhi: “Aniga ayaa ah qofka lagu eedeeyo inuu telefoonkiisa u isticmaalo si aan habboonayn, laakiin anigu waligay maan isticmaalin inta aan ku jiro saacadaha shaqada. Miyaanu ninkani xishoonayn?”

Joe Biden ayaa isaguna yidhi: “Mashquul ayaan ahaa caawa, laakiin lataliyeyaashaydu way ogaayeen inaan doonayo inaan arko tan. Nasiib-darro, waxaan ka xumahay inay ahayd ficil aan ka xumaaday oo aan la sheegi karin oo uu ninkani sameeyey.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More