Skip to content
Wednesday, September 23, 2026 10 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:38
Muqdisho 24°C
Breaking: Trump’s UN Takeaways Center on Threats, Diplomacy and ‘Super Intelligence’
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

“Xubnaha Guddiga Doorashada 20/21 ee Hir-Shabeelle &

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay xubnaha Guddiga maamulaya Doorashada 20/21 ee ka imaaday dhanka Dowad Goboleedyada Hir-Shabeelle & Galmudug.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in xubnaha guddiyadaas ee laga soo magacaabay Hir-Shabeelle & Galmudug ay yihiin xubno katirsan hay’adda nabadsugidda & sirdoonka qaranka.

- Advertisement -

“Inta badan xubnaha labada guddi doorasho ee laga soo magacaabay Hirshabele iyo Galmudug waa xubno ka tirsan hay’adda Nabadsugidda Qaranka, waxaana badankood laga soo magacaabay xafiiska taliyaha nabadsugidda”. Sidaasi waxaa yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Halka Guddiga heer Federaal uu badankiisa yahay taageerayaashii baraha bulshada ee Hogaamiye Farmaajo, waxaana soo xulay agaasime ku xigeenka Xafiiska madaxweynaha. Suuragal maaha in masiirka Dalka iyo doorashada deegaanka aan dadkiisa metelno ay ka arrimiyaan labo wiil oo ilma adeero ah”.

Saddex Dowlad Goboleed oo kala ah Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle & Galmudug ayaa magacaabay xubnaha ku matalaya Doorashada, waxaana ku biiraya saddex xubnood oo ka imaanaya dhanka Xukuumadda.

Dabayaaqadkii Oktoobar 2020, shanta Dowlad Goboleed ee kala ah: Koofur Galbeed, Jubbaland, Galmudug, Hir-Shabeelle & Puntland ayaa ku dhawaaqay Min afar xubnood oo kala ah xubnaha Guddiga doorashada & Xalinta Khilaafaadka Doorashada 20/21.

Axadle

How do you rate this story?

0 votes