Garsooreyaasha dhexdhexaadin doona kulamada siddeedaad ee horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan cusub ayaa la shaaciyey, waxaana ciyaar kasta loo xilsaaray siidhiwalaha dhexe, labadiisa gacan-yare iyo garsooraha dhexe. Waxa kale oo iyaguna jooga garsooraha VAR iyo gacan-yarihiisa.
Toddobaadkan ayay horyaalka Premier League kulamo xaasaasi ahi ka dhacayaan, waxaana foodda is dari doona Everton iyo Manchester United oo natiijada ciyaartoodu ay saamayn ku yeelan doonto mustaqbalka tababare Ole Gunnar Solskjaer, kaas oo laga sugayo inuu isku badbaadiyo guul.
Laakiin khabiirka hoggaamiya Everton ee Carlo Ancelotti oo ay kooxdiisu toddobaadyadii hore hoggaanka horyaalka Premier League haysay ka hor intii aan toddobaadkan loo xambaarin guul-darro lama filaan ah oo ay ku lumiyeen booskoodii ayaa waxa uu si adag ugu diyaariyey safkiisa in aan kulankan dhinacooda dhulka la dhigin oo ay garaacaan Manchester United.
Ciyaar kale oo adag ayaa waxay dhex maraysaa labada kooxood ee la rumaysan yahay inay dhamaadka xili ciyaareedka noqonayaan kuwa loollanka horyaalka Premier League u dhaxayn doono ee Manchester City iyo Liverpool oo garoonka Etihad Stadium foodda isku dari doona.
Garsooreyaasha kulamada horyaalka ee usbuucan dhexdhexaadinaya oo la shaaciyey ayaa waxa lagu qoray kulanka Manchester United ay martida u tahay Everton siidhiwalaha caanka ah ee Paul Tierney oo lagu yaqaano go’aan adayg iyo in aanu jixin-jix lahay, waxaana kasii daran garsoorka VAR haya oo ah Michael Oliver oo jamaahiirta labada kooxoodba xasuusan yihiin rikoodhkiisii horyaalka Premier League ee muddadii uu bahda garsoorka kusoo jiray.
Garsooreyaasha iyo kulamada ay tabinayaan:
Jimce
Brighton vs Burnley
Garsooraha dhexe: Mikel Dean
Garsooraha VAR: Michael Olivier
Southampton vs Newcastle United
Garsooraha Dhexe: Peter Banker
Garsooraha VAR: Chris Kavanagh
Sabtida
Everton vs Manchester United
Garsooraha dhexe: Paul Tierney
Michael Oliver
Crystal Palace vs Leeds United
Garsooraha dhexe: Chris Kavanagh
Garsooraha VAR: Mike Dean
Chelsea vs Sheffield United
Garsooraha dhexe: Jonathan Moss
Garsooraha VAR: Kevin Friend
West Ham United vs Fulham
Garsooraha dhexe: Robert Jones
Garsooraha VAR: Andre Marriner
Axadda
West Brom vs Tottenham
Garsooraha dhexe: Andy Madley
Garsooraha VAR: Simon Hooper
Leicester City vs Wolves
Garsooraha dhexe: Anthony Taylor
Garsooraha VAR: Stuart Attwell
Manchester City vs Liverpool
Garsooraha dhexe: Craig Pawson
Garsooraha VAR: Paul Tierney
Arsenal vs Aston Villa
Garsooraha dhexe: Martin Atkinson
Garsooraha VAR: David Coote