Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Fajr 04:41
Muqdisho 26°C
Breaking: US Politicians Back AI Development Despite Industry Warnings
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Garsooreyaasha Kulamada Premier League Ee Usbuucan Oo La

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Garsooreyaasha dhexdhexaadin doona kulamada siddeedaad ee horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan cusub ayaa la shaaciyey, waxaana ciyaar kasta loo xilsaaray siidhiwalaha dhexe, labadiisa gacan-yare iyo garsooraha dhexe. Waxa kale oo iyaguna jooga garsooraha VAR iyo gacan-yarihiisa.

Toddobaadkan ayay horyaalka Premier League kulamo xaasaasi ahi ka dhacayaan, waxaana foodda is dari doona Everton iyo Manchester United oo natiijada ciyaartoodu ay saamayn ku yeelan doonto mustaqbalka tababare Ole Gunnar Solskjaer, kaas oo laga sugayo inuu isku badbaadiyo guul.

Laakiin khabiirka hoggaamiya Everton ee Carlo Ancelotti oo ay kooxdiisu toddobaadyadii hore hoggaanka horyaalka Premier League haysay ka hor intii aan toddobaadkan loo xambaarin guul-darro lama filaan ah oo ay ku lumiyeen booskoodii ayaa waxa uu si adag ugu diyaariyey safkiisa in aan kulankan dhinacooda dhulka la dhigin oo ay garaacaan Manchester United.

Ciyaar kale oo adag ayaa waxay dhex maraysaa labada kooxood ee la rumaysan yahay inay dhamaadka xili ciyaareedka noqonayaan kuwa loollanka horyaalka Premier League u dhaxayn doono ee Manchester City iyo Liverpool oo garoonka Etihad Stadium foodda isku dari doona.

Garsooreyaasha kulamada horyaalka ee usbuucan dhexdhexaadinaya oo la shaaciyey ayaa waxa lagu qoray kulanka Manchester United ay martida u tahay Everton siidhiwalaha caanka ah ee Paul Tierney oo lagu yaqaano go’aan adayg iyo in aanu jixin-jix lahay, waxaana kasii daran garsoorka VAR haya oo ah Michael Oliver oo jamaahiirta labada kooxoodba xasuusan  yihiin rikoodhkiisii horyaalka Premier League ee muddadii uu bahda garsoorka kusoo jiray.

Garsooreyaasha iyo kulamada  ay tabinayaan:

Jimce

Brighton vs Burnley

Garsooraha dhexe: Mikel Dean

Garsooraha VAR: Michael Olivier

Southampton vs Newcastle United

Garsooraha Dhexe: Peter Banker

Garsooraha VAR: Chris Kavanagh

Sabtida

Everton vs Manchester United

Garsooraha dhexe: Paul Tierney

Michael Oliver

Crystal Palace vs Leeds United

Garsooraha dhexe: Chris Kavanagh

Garsooraha VAR: Mike Dean

Chelsea vs Sheffield United

Garsooraha dhexe: Jonathan Moss

Garsooraha VAR: Kevin Friend

West Ham United vs Fulham

Garsooraha dhexe: Robert Jones

Garsooraha VAR: Andre Marriner

Axadda

West Brom vs Tottenham

Garsooraha dhexe: Andy Madley

Garsooraha VAR: Simon Hooper

Leicester City vs Wolves

Garsooraha dhexe: Anthony Taylor

Garsooraha VAR: Stuart Attwell

Manchester City vs Liverpool

Garsooraha dhexe: Craig Pawson

Garsooraha VAR: Paul Tierney

Arsenal vs Aston Villa

Garsooraha dhexe: Martin Atkinson

Garsooraha VAR: David Coote

How do you rate this story?

0 votes