Skip to content
Monday, September 21, 2026 8 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:39
Muqdisho 24°C
Breaking: Merz Calls Northeastern German State Election Result a ‘Disaster’ as AfD Surges
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Hogaamiyaha Malawi oo ka carooday Qish lagu sameeyay

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Madaxwaynaha dalka Malawi Lazarus Chakwera ayaa ka carooday Qish lagu sameeyay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiga sare, waxaana uu ku baqay in la badalo guddiga howshaan gacanta ku hayay.

Wasiirkiisa Waxbarashada ayuu u diray warqad uu uga dalbanayo in muddo todobaad ah ku keeno sababta keentay in uu gacantiisa ka baxo Imtixaanka Dugsiga sare & Cidda fududeysay howshaas.

Hogaamiyaha Malawi ayaa qiyaano qaran ku sifeeyay dusinta (Qishka) Imtixaanka fasalka 12-aad ee Dugsiga sare, maadaama gacan adag uu ku jiray kahor sanadkaan oo bannaanka usoo baxay.

Ardayda ayaa dibadbax sameysay, kadib markii la baabi’iyay (Waxba kama jiraan) laga dhigay Imtixaan sanadeedka dugisga sare oo ay galeen, sabab la xiriirta qishka baxay, waxaana ay dalbadeen waa Ardaydee in laga laabto go’aankaas lagu joojiyay natiijada Imtixaanka.

Guddi dhinacyo kala duwan ka kala socda ayaa loo xilsaaray howshaan, si ay usoo ogaadaan cidda fududeysay in Ardayda ay helaan Su’aalaha Imtixaanka Dugsiga si ay usii xifdiyaan jawaabaha.

Axadle.

How do you rate this story?

0 votes