Skip to content
Tuesday, September 22, 2026 9 Rabi al-Thani 1448 AH Maghrib 17:54
Muqdisho 27°C
Breaking: North Western State of Somalia lawmakers seek independent probe into aviation worker’s killing
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Ma Keenayo – Xiddiga Uu Diiday Inuu Roman Abramovich Chelsea

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Mulkiilaha kooxda Chelsea ee Roman Abramovich ayaa lagu soo warramayaa inuu diiday inuu suuqyada soo socda Stamford Bridge keeno weeraryahanka Juventus ee Paulo Dybala kaas oo lala xidhiidhinayay kooxdiisa maalmihii ugu dambeeyay.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Talyaanigu, Abramovich ayaan doonayn inuu Dybala lasoo saxeexdo isaga oo aaminsan inay booskiisa kaga filan yihiin Kai Havertz iyo Hakim Ziyech oo uu suuqii dhawaa lasoo saxeexday.

Chelsea ayaa xagaagii suuqa ku bixisay lacag ka badan 250 Milyan oo Pound iyadoo macalin Frank Lampard aad loogu taageeray dhaqaale kaddib markii xayiraad suuqa ka saarnayd ay u diiday in loosoo xoojiyo safkiisa sanadkii hore.

Chelsea ayaa 54 Milyan oo Pound kula wareegtay weeraryahanka aadka loo qiimeeyo ee Timo Werner, 50 Milyan oo Pound ayay Leicester City kaga heleen Ben Chilwell oo daafac bidix ah halka ay goolhaye Edouard Mendy 22 Milyan oo Pound kaga keeneen Rennes.

Kabtankii Paris Saint-Germain ee Thiago Silva ayaa heshiis amaah ah ugu soo wareegay, Kai Havertz iyo Hakim Ziyech ayaa iyaguna isku darka 106 Milyan oo Pound ku yimid Bridge.

Si kastaba, labada ciyaaryahan ee ugu hal abuurka badan ee ay Blues lasoo wareegeen ayaa kala ah Havertz iyo Ziyech kuwaas oo labaduba awooda inay ka ciyaaraan No.10., garbaha weerarka iyo khadka dhexe ee No.8-kaba.

Sida uu sheegayo wargeyska Talyaaniga kasoo baxa ee Calciomercato, Abramovich ayaan doonayn inuu Dybala kusoo daro safkiisa isagoo u arka inaysan baahi u qabin marba haddii ay Kai iyo Hakim haystaan.

Dybala ayaa hoos uga dhacay xulashada tababare Andrea Pirlo isaga oo kaliya laba kulan oo Serie A ah usoo ciyaaray Bianconeri.

 

How do you rate this story?

0 votes