Skip to content
Wednesday, September 23, 2026 10 Rabi al-Thani 1448 AH Dhuhr 11:50
Muqdisho 29°C
Breaking: Southwest Peace Council Begins Mediation Between Madobe and Laftagareen
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Cumar Faatax oo ku biiray Aqalka sare ee Minnesota! –

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Cumar Faatax oo kamid ah dhalinyarada Soomaalida ee kunool Dalka Mareykanka ayaa ku guuleystay xubinnimada Aqalka Sare ee Gobolka Minnnesota oo ay ku badan tahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas.

Senator Cumar ayaa waayihii dambe waday ololaha loolanka hanashada kursigaan, waxa uu qabtay bandhigyo kala duwan, ugu dambeyn guul ayuu ka gaaray tartankaas uu gashay sida natiijada ku cad.

- Advertisement -

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan noqdo qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo kamid noqda aqalka Sare ee Minnesota, waxaan u mahad celinayaa dadka ii codeeyay oo xaqiiqdii ii suurageliyay rumeynta hamigeyga ah qabashada kursigaan” Sidaasi waxaa yiri Senator Cumar Faatax.

Soomaalida xilalka ka qabaneysa Dalka Mareykanka ayaa sanadihii dambe soo kordheysay, waxaana ay heystaan kuraas qaarkood ay kula loolameen jaaliyado kale balse ay uga guuleysteen.

Gobollada Dalka Mareykanka waxaa lasoo xiray Goobaha codbixinta, maadaama la gaaray waqtiga loo asteeyay in lagu gunaanado, waxaana socda tirinta codadka laga dhiibtay doorashada 2020.

Axadle.

How do you rate this story?

0 votes