Real Madrid Oo Guul Dahabi Ah Ka Gaartey Inter, Rodrygo Oo

Real Madrid ayaa guul ay aad ugu baahnayd ka gaadhay Inter Milan oo ay kaga adkaatay 3-1, waxaanay u ahayd guusheedii koowaad ee tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan.

Los Blancos oo labadii ee hore marna laga badiyey marna barbarro gashay ayaa waxay garoonkeeda Alfredo Di Stefano ku qaabishay Inter Milan, waxaana gool kaga farxiyey Karim Benzema oo ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey Achraf Hakimi oo kubbad qaldan bixiyey.

Sergio Ramos ayaa Real Madrid madax ugu dhaliyey gool labaad toddoba daqiiqadood oo kaliya kaddib goolka Benzema, waxaana ay ciyaartoyda Los Blancos farxad isku dhegdhageen garoonka dhexdiisa.

Lautaro Martinez ayaa gool uu si qurux badan uga soo shaqeeyey Barella waxa uu laba daqiiqadood kaddib goolka Ramos uu u saxeexay Inter Milan.

Qaybtii labaad ayay Inter Milan heshay gool labaad oo ay ciyaarta ku barbarraysay, waxaana u saxeexay Perisic.

Ciyaarta oo ay toban daqiiqadood ka hadhsan tahay ayuu Real Madrid la baxsaday Rodrygo oo u dhaliyey gool qurux badan, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-2.

Shaxdii labada kooxood

INTER (3-5-2): Samir Handanovic; Danilo D’Ambrosio, Stefan de Vrij, Alessandro Bastoni; Achraf Hakimi, Nicolo Barella, Marcelo Brozovic, Arturo Vidal, Ashley Young; Lautaro Martinez, Ivan Perisic.

Kaydka: Roberto Gagliardini, Alexis Sanchez, Aleksandar Kolarov, Andrea Ranocchia, Christian Eriksen, Daniele Padelli, Filip Stankovic, Matteo Darmian, Milan Skriniar, Radja Nainggolan, Andrea Pinamonti.

REAL MADRID (4-3-3): Thibaut Courtois; Lucas Vazquez, Raphael Varane, Sergio Ramos, Ferland Mendy; Federico Valverde, Toni Kroos, Casemiro; Marco Asensio, Karim Benzema, Eden Hazard.

Kaydka: Luka Modric, Marcelo, Andriy Lunin, Luka Jovic, Vinicius Junior, Isco, Mariano Diaz, Rodrygo Silva, Diego Altube, Sergio Santos.

Zidane ayaa saddex isbeddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Huesca Sabtidii oo guul 4-1 ah soo gaadhay, waxaana ka maqnaa Militao oo Korona Fayras laga helay, waxaana soo beddelay Varane, halka uu Mendy kusoo bilowday difaaca bidix oo uu beddelay Marcelo iyo Luka Modric oo kaydka loo diray isla markaana uu booskiisa yimid Toni Kroos oo soo nastay.

Inter Milan ayaa tijaabisay difaaca midig ee Real Madrid, waxaana kubbad kasoo wada shaqeeyey Ashley Young iyo Perisic, laakiin Lucas Vazquez oo kusii dedaalaya inuu si fiican ugu simo booskan Dani Carvajal ayaa usoo babbac-dhigay oo ku guuleystay inuu iska soo difaaco.

Real Madrid ayaa kaga jawaabtay fursad weyn oo ay heshay, kaddib markii ay Hazard iyo Kroos garabka bidix kasoo sameeyeen kubbad qurux badan oo uu laacibka reer Germany usoo indheer-garadnimo ku daray. Hazard ayaa kubadda u fasaxay Asensio oo ku dhex jira xerada ganaaxa, waxaana kubbaddaas soo qabtay Handanovic.

Achraf Hakimi ayaa kooxdiisa hore kasoo jabsaday garabka midig ee uu ka ciyaarayay, waxaanu goolka hortiisa kala ciyaaray Perisic oo isaguna loollanka kaga guuleystay Varane, waxaanu usii raaciyey Barella. Goolhaye Courtois ayaa la baxsaday Real Madrid.

Arturo Vidal ayaa kubbad awood badan ku toogtay goolka Real Madrid, waxaana uu ka nixiyey ciyaartoyda Los Blancos oo u qaatay inay shabaqooda gashay, balse kubadda ayaa waxyar u martay birta.

Valverde ayaa laba jeer kubbado awood badan ku laaday goolka Inter Milan, waxaana midda hore uu ku qasbay goolhaye Samir Handanovic inuu dirqi kaga saaro kubadda, halka midda labaadna ay waxyar goolka hormarto.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!! Benzema ayaa Real Madrid hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 25aad, waxaana kubbad baas qaldan ah oo uu soo dhiibay Hakim uu ka qabsaday xerada ganaaxa Inter hortiisa, isaga oo usii jaray goolhaye Handanovic. 

Eden Hazard ayaa daqiiqado kaddib goolka waxa uu kubbad ku maamulay xerada ganaaxa Inter, waxaanu isku yaaciyey difaaca, laakiin D’Ambrosio ayaa kubaddaas u saaray koorne.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!! Real Madrid 2-0 Inter Milan!! Sergio Ramos ayaa hoggaanka usii dheereeyey kooxdiisa, waxaana uu shabaqa ku hubsaday kubbad uu soo ganay Toni Kroos. Ramos ayaa kasoo orday meel dambe, waxaanu madaxa la helay oo uu sii raaciyey illaa ay ka ganashay dhinaca goolhayaha ka fog.

RIKOODH!! Goolkan ayaa ahaa midkii 100aad ee Sergio Ramos uu u dhaliyey Real Madrid, waxaanu ku biiray xiddigaha boqollayda goolasha ah usoo saxeexay kooxda.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!! MARTINEZ ayaa shabaqa soo taabtay laba daqiiqadood kaddib goolka Real Madrid, waxaana uu shabaqa ku hubsaday kubbad uu cidhib ugu soo dhiibay Barella, iyadoo uu lugta ka hor geliyey Varane. Alla muxuu Barella soo ciyaaray kubbad caqli leh.

Qaybta hore ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay Real Madrid hoggaanka la nasatay, waxaanay koox waliba lasoo tashatay tababaheeda, iyadoo ay Inter Milan noqotay kooxda dardarta badan lasoo laabatay.

Zineine Zidane ayaa si uu sare ugu soo qaado kooxdiisa oo kubadda lagala wareegay waxa uu hal mar soo warada geliyey labada da’yar ee reer Brazil ee Vinicius Junior iyo Rodrygo, si ay weerarka u xoojiyaan.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!! Real Madrid 2-2 Inter Milan – Perisic ayaa Inter Milan u dhaliyey goolka barbarraha, waxaana uu lugta bidix ku dhaliyey kubbad diciif ah oo cid joojisa weydaty, isal markaana iyadoo aadyar socota gashay goolka. Lucas Vazquez ayey muujisay inaanu difaac dhab ahayn.

Laba jeer oo kale ayay Inter Milan ku dhowaatay inay goolal kale dhashato, waxaana laag awood badan birta hor mariyey Perisic.

GOOOOAAALLLLLLLLLLLLLLLLL!!! Real Madrid 3-2 Inter – Rodrygo ayaa Real Madrid hoggaanka u dhiibay, waxaana kubbad uu ka helay Vinicius uu si fiican ugu maamulay laynka xeraga ganaaxa, ka hor intii aanu hore ula tallaabsanin ee aanu darbo xooggan ku ruxay shabaqa.

Karim Benzema ayaa ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey ku dhowaaday inuu shabaqa soo taabto mar kale, hoggaankana usii dheereeyo kooxdiisa.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-2 ay guushu ku raacday Real Madrid.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More