Xiddig Si Weyn U Jeclaa Real Madrid Oo Haatan Isku Bedelay
Arturo Vidal ayaa ka horimaanaya Real Madrid markii 13aad habeenka Talaadada marka ay Inter Milan u safarto caasimada Spain kulankooda wareega group-yada Champions League.
Wuxuu ka horyimid kooxda reer Spain isagoo u ciyaaraya Juventus (afar jeer), Bayern Munic (labo jeer) iyo Barcelona (lix jeer).
Inkastoo xiddiga reer Chile uu baraha bulshada ku soo bandhigo naceybka uu u qabo Real Madrid, hadana waxa uu waligiis ku riyoon jiray inuu xirto maaliyada Los Blancos.
Buuga laga qoray taariikhda xiddigaan khadka dhexe ee uu qoray Nicolas Olea ayaa waxaa ku jira cutub loogu magacdaray “Wadadii Madrid” iyadoo shaaca looga qaaday in Vidal uu waligiis ku riyoonayay inuu u ciyaaro kooxda Real Madrid.
Olea ayaa sheegay in xitaa halyeeyga Real Madrid Ivan Zamorano inuu ahaa geesigiisa markii uu yaraa isagoo taageero weyn u ahaa Real Madrid. Ninka maaliyada u qaabilsan kooxdii uu Vidal u ciyaari jiray yaraantiisii Nelson Pizarro ayaa isna ka hadlay riyada Vidal: “Wuxuu mar walba ii sheegi jiray riyadiisa ah inuu u ciyaaro Real Madrid.”
Markii uu Vidal u saxiixay Juventus sannadkii 2011, wuxuu sheegay in heshiiska uu yahay jaranjaradii uu ugu danbeyn ugu saxiixi lahaa Los Blancos. Waxaa lagu qasbay inuu hadalkaas raaligelin ka bixiyo laakiin wuxuu diirada u saarnaa Carlo Ancelotti waqtigiisii Spain.
Markii uu Juve joogay Vidal afar gool ayuu ka dhaliyay Real Madrid; labo uu ka dhaliyay xilli ciyaareedkii 2013-14 iyo labo gool kale uu ka dhaliyay xilli ciyaareedkii ku xigay.
Guulo sidaas oo kale ah kuma uusan riyaaqin markii uu Real Madrid ka horyimid isagoo u ciyaaraya Bayern Munich, waxaa casaan la siiyay wareegii sideed dhamaadka Champions League ee xilli ciyaareedkii 2016-17. Waana waqtigaas markii uu bilaabay naceybka uu u qabo kooxda Los Blancos.
“Labo gool oo offside ahaa ayaa loo ogolaaday” ayuu yiri ciyaartaas ka dib. “Casemiro casaan lama siinin, waxayna aheyd in aniga horteey ciyaarta laga saaro.
“Marka sidaan oo kale laguu dhaco waa weyn weyn. Waa wax fool xumo ah.
“Qaladaad badan ayaa dhacay. Garsooraha ayaa naga reebay tartanka ee Real Madrid ma ahan. Tuuganimo sidaan oo kale ah ma ahan inay ka dhacdo Champions League, haddii kale dadku waxay bilaabanayaan inay shakiyaan”
Xilli ciyaareedkii ku xigay labada kooxood ayaa mar kale isku arkay semi-finalka, Lucas Vazquez ayaa loo dhigay rigoore muran uu ku jiro, taasoo ka sii careysiisay Vidal.
“Ma uusan taabanin! markale ayay dhaceysaa in loo hiiliyo Real Madrid” ayuu soo qoray.
Markii uu yimid Barcelona, wuxuu sheegay inuusan aheyn ciyaaryahan si weyn u neceb Real Madrid.
“Uma maleynayo inaan ahay anti-Madrid” ayuu yiri Vidal. “Waxaan la xafiiltamayaa dhamaan kooxaha ay Barcelona ka horimaaneyso wixii hada ka danbeeya. Ma jiraan wax kale.”
Habeenka Talaadada Vidal ayaa mar kale ka horimaan doona kooxda uu neceb yahay ee Real Madrid, isagoo rajeynaya inuu xanuunjiyo kooxdii uu ku riyoon jiray inuu u ciyaaro.