DFS oo laga dalbaday wax ka qabashada Ayaxa ku habsaday
Gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe Degmooyin katirsan waxaa kasoo yeertay cabasho ka timid dadka beeraleyda ah & kuwa xoola dhaqatada ah, kadib markii Ayax uu ku degay Dhul baaxad weyn.
Dad xoolo dhaqato ah oo la hadlay Axadle ayaa u sheegay in Ayaxa uu ku habsaday dhul Baaxad weyn oo naq fiican leh oo xoolahu u daaqo, balse aysan heysan qalabka looga hortago Ayaxaas.
Meelaha Ayaxa laga cabanayo waxaa kamid ah Tuulooyin hoostaga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay ku waabireysteen Ayax dhulka ku socda & kuwa dul maray oo kusii jeeday tuulooyin kale.
“Ayaxa waxa uu Matabaan kasoo galay Gobolka Galgaduud, qayb ayaa dhanka Itoobiya naga soo gashay, waa uu badnaa, tuulooyinka qaar waxa uu ku habsaday daaqa Xoolaha, waxa uu saameeyay deegaanka oo dhan” Sidaasi waxaa Axadle u sheegay qof kamid ah Xoolo dhaqatada Hiiraan.
Gobolka Shabeelah Dhexe, Degmooyin dhowr ah ayay kasoo yeertay cabashada Ayaxa ka dhanka ah, Beeraley la hadashay Axadle ayaa sheegtay in ayaxa uu aad u badan yahay, iyaga oo dalbaday in laga gacansiiyo.
Warbixin dhawaan kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in waddamo Soomaaliya ku jirto ay wajahayaan xaalad cunno xumo & dhibaatooyinka uu reebo Ayaxa si gaar ah bilaha ugu dambeeyo sanadkaan 2020.
Axadle