Miyey Ducaysteen? Xiddigii Hurdada U Diiday Jurgen Klopp Ee

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayay waqti badan ku qaadatay inuu daraaseeyo, kana fikiro sidii uu u joojin lahaa laacibka West Ham ee Michail Antonio marka ay labada kooxood ku kulmaan Anfield Sabtid berri.

Michail Antonio ayaa laf-dhabar u ah kooxda tababare David Moyes oo uu u dhaliyey goolashii ugu badnaa xili ciyaareedkan horyaalka Premier League isaga oo saxeexay 11 gool 13kii ciyaarood ee  ugu dambeeyey oo uu ku jiro goolkii quruxda badnaa ee uu ka hdaliyey Manchester City toddobaadkii hore.

Si kastaba, David Moyes ayaa xaqiijiyey war ka farxiyey Jurgen Klopp, waxaanu sheegay in laacibkani aanu ciyaari doono kulanka Liverpool ee Sabtida oo uu dhaawac muruqa ah oo kasoo gaadhay ciyaartii City uu muddo bil ku dhow garoomada kaga maqnaan doono.

Moyes oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay ka hor kulanka berri ayaa yidhi: “Michail wuxuu noo ahaa ciyaartoy wanaagsan oo dhab ahaantii si fiican u ciyaaray, xubin muhiim ahna ka ahaa kooxda.

“Wuxuu soo baxay kulankii Spurs isaga oo wax dareemaya. Wuxuu ciyaaray kulankii Manchester City oo uu mar kale wax dareemay. Ma garanayno haddii ay aad u xun tahay, laakiin waxay ku filan tahay inuu maqnaado ciyaarta aanu ka hor tegayno Liverpool.”

Liverpool oo uu ka maqan yahay difaacooda Virgil van Dijk oo inta ka hadhay xili ciyaareedka dhaawac ku maqnaanaya, ayaa waxa la weydiiyey David Moyes inay wax weyn ku tahay inuu waayo Antonio oo fursaddaas ka faa’iidaysan lahaa, waxaanu yidhi: “Sidaas ayay ila tahay, laakiin dhab ahaantii waxaanu nahay kuwo muujinaya anshax kooxeed oo wanaagsan.

“Waxa aanu goolal ka dhalinaynay meelo kala duwan, si fiican ayaanu koox ahaan ugu ciyaaraynay, laakiin waxaan hubaa in Liverpool ay iyaguna odhan doonaan sidaas oo kale.

“Dabcan waanu tabi doonaa Michail Antonio oo muhiim noogu ahaa sida weeraryahannada kale ee horyaalka tan iyo intii ciyaaruhu dib u bilaabmeen.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More