Muxuu Yahay Surwaalka Xiddigaha K/Cagta Ka Caawinaya Soo

Hababka soo kabsashada ee ciyaartoyda isboortiga kala duwan ayaa horumar badan laga sameynayaa iyadoo haatan si weyn loo isticmaalayo surwaal hawo cadaadis leh uu ka buuxo oo teknooloojiyad loo adeegsanayo.

Daafaca Chelsea Thiago SIlva ayaa dhawaan isku soo sawiray isagoo istcimaalaya aaladaan oo gaartay xiddigaha kubada cagta ilaa feeryahanada.

Surwaalkaan loo isticmaalo soo kabsashada waxaa caan ka dhigay Ryan Brunt oo isagoo da’ yar oo ka tirsan kooxda Stoke City uu dhaawac ka soo gaaray jilibka, waxayna markaas da’diisa aheyd 16 sanno.

Wuxuu doonayay inuu soo dedejiyo soo kabsashadiisa, waxa uu internet-ka ka arkay surwaalkaan ay sameyso shirkada Mareykanka ee NormaTec.

Brunt oo haatan 27 sanno jir ah ayaa ku biiray shirkada isagoo hogaaminaya laanteeda UK, wuxuuna surwaalkaan gaarsiiyay xiddigaha kubada cagta Yurub iyo xiddigaha isboortiga kale.

Xiddigii ugu weynaa ee ka codsaday inuu surwaalkaan ka iibiyo waa feeryahanka reer UK Anthony Joshua.

Surwaalkaan teknooloojiyada ah ayaa loo naqshadeeyay inuu ciyaartoyda ka caawiyo soo kabsasho degdeg ah inta u dhaxeysa tababaradooda, waxa uu yareeyaa murqo xanuunka isagoo horumariya socodka dhiiga.

Teknooloojiyada NormTec waa mid ku saleysan cadaadiska hawada oo ka caawineysa ciyaartoyda inay duugto ama u masaajeyso meelaha gaarka ah ee ay doonayaan inay ka soo kabtaan.

Xiddigaha kale ee isku soo sawiray iyagoo isticmaalaya surwaalkaan waxaa ka mid ah Gareth Bale, Jordan Henderson, Saido Berahino iyo James Rodriguez.

“Waxay surwaalka isticmaali karaan 45 daqiiqo ilaa saacad iyagoo gurigodoa jooga oo TV daawanaya ama ciyaar gacmeed dheelaya.” ayuu yiri Brunt.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More