“Bartomeu Wuxuu Ahaa JAAHIL Aan Waxba Ka Garanayn Kubadda

Madaxweynaha horyaalka kubadda cagta Spain ee LaLiga, Mr Javier Tebas ayaa mar kale weerar ku qaaday Madaxweynihii Barcelona ee iscasilay ee Josep Maria Bartomeu, waxaana uu laba maalmood gudahood warbaahinta u mariyey hadallo laf jab ah oo uu kusii sagootiyey.

Bartomeu oo Salaasadii is casilay ayaa shirkiisii jaraa’id ee ugu dambeeyey waxa uu ku sheegay in Barcelona ay aqbashay samaynta tartanka European Super League oo meesha ka saaraya Champions League, isla markaana ay kooxaha waaweyn dhinac iskugu urursanayaan iyagoo lacago badanna ka helaya.

Madaxweynaha hore ayaa lagu canaantay inuu si hoose u waday qorsheyaal aan fiicnayn oo kubadda cagta lid ku ah iyadoo uu ahaa mid fulinaya waxyaabaha ay ula yimaaddaan shaqsiyaadka kale, sida Florentino Perez oo kale oo isagaba hoggaamiye u ahaa.

Javier Tebas oo ah madaxweynaha LaLiga ayaa hore ugu eedeeyey Bartomeu ‘inuu jaahil ka yahay kubadda cagta’, waxaana uu Javier Tebas mar kale ka faa’iidaystay hadalka kasoo yeedhay Bartomeu ee ah inay ogolaadeen ka qayb-galka European Super League oo loosoo bandhigay.

“Waxa aan rumaysanahay in Bartomeu uu hoggaaminayay Florentino Perez.” Ayuu yidhi Javier Tebas oo u warramayay wakaaladda wararka ee AP.

Javier Tebas waxa uu sheegay in tartanka European Super League uu abaabulayo Madaxweynaha Real Madrid oo ka dhaadhiciyey Bartomeu inuu isaguna ogolaado, waxaanu yidhi: “Tartankani wuxuu ahaa riyada madaxweynaha Real Madrid. Waqti dheer ayaanu ka shaqaynayay, wax cusub na maaha.

“Laakiin waa qalad weyn. Bartomeu ma fahamsana cawaaqibka halista ah ee dhaqaale ee ku imanaya.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More