Skip to content
Monday, September 21, 2026 8 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:39
Muqdisho 25°C
Breaking: Major U.S. broadcasters halt pooled Trump coverage in dispute over CNN
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Waa Kuma Xiddiga Fursada Dahabiga Ah Ee Uu Qiimihiisa Ku

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Da’yarka daafaca dhexe ee kooxda Barcelona ee Ronald Araujo oo kamida xiddigaha la filayo inay booskooda sii haystaan kulanka Juventus ee caawa ayaa haysta fursad weyn oo uu iskugu muujiyo tababarihiisa Ronald Koeman.

Ronald ayaa la filayaa inuu kusoo bilaaban doono daafaca dhexe isaga oo buuxinaya kaalinta uu ka ganaaxan yahay Gerard Pique si uu lamaane daafaca dhexe ugula noqdo Clement Lenglet.

Da’yarka ree Uruguay ayaa heli doona fursadiisii ugu horreysay ee uu ugu soo bilaabanayo kulan Champions League ah kaddib markii uu bedel ku yimid ciyaartii Ferencvaros ay guusha weyn ka gaadheen.

Ronald Araujo ayaa ka faa’idaysanaya tababare Ronald Koeman oo muujiyay inuu kalsooni buuxda ku qabo xilli ciyaareedkan isla markaana wakhti ciyaareed fiican soo siiyay.

Araujo oo booska shaxda koowaad heli doona iyadoo ay xusid mudan tahay inuu kaliya 19 daqiiqo kasoo ciyaaray ciyaartii hore, kulankii hore ayaa ahaa mid la go’aamiyay markii uu soo galay balse midka caawa ayuu u baahan doonaa inuu ku ciyaaro farsamadiisa, boos qaadasho wanaagsan, diirada saarid iyo kubaddaha jooge sarre ah ee uu ku fiican yahay.

Maqnaanshaha ay dhaawaca ku maqan yihiin Samuel Umtiti iyo Oscar Mingueza ayaa ka dhigan inuu Araujo yahay daafaca kaliya ee uu Koeman la ciyaarsiin karo Lenglet.

Araujo ayaa haddiiba uu ka faa’idaysto wakhtiga caawa la siinayo booska kala bixi kara Lenglet oo isagu xilli ciyaareedkan qaab ciyaareed aan la isku hallayn karin soo sameeyay qaladaad badana soo galayay.

How do you rate this story?

0 votes