In Musharixiintu dibada u raadsadaan taageero dhaqaale ma

Dowlad-goboleedyada dalka ayaa soo gudbiyay xubnaha ku matalaya guddiyada doorashada 2020/21 iyada oo xubnaha beesha caalamka ay ku cadaadinayaan Hogaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hogaamiyayaasha Dowlad-goboleedyada dalka in ay hirgaliyaan jadwalkii doorashada ee lagu heshiyay 2 Oktobar 2020.

Guddiga maamuli doona doorashada xildhibaannada maamul goboleedkasta ayaa ka koobnaan doona 11 xubnood oo sideed ka mid ah ay ka iman doonaan dhinaca maamul goboleedyada halka saddexda kalana ay dowladda federaalka ah soo magacaabi doonto.

Halka guddiga maamuli doona doorashada xildhibaannada Gobaladda Waqooyi la sheegay in ay soo magacaabi doonto Xukumadda Federaalka ah iyagoo latashanaya siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobaladda Waqooyi.

Heshiiska hogaamiyayaasha federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa lagu asteeyay in 10-ka bishan illaa 20-keeda ay labada dhinac ku soo magacaabaan guddiyada hagi doona doorashada.

Soo xulista, diyaarinta ergooyinka iyo goobaha codbixintana lagu diyaariyo bisha Nofeembar ee sanadkan.

Doorashada Aqalka Sare ayaa dhici doonta 1-da illaa 10-ka Diseembar, halka xildhibannada Golaha Shacabka ay dhici doonto 10-ka illaa 27-ka Diseembar ee sanadkan.

Doorashada guddoonka labada aqal iyo Hogaamiyaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhici doonta 1-da Janaayo illaa 8-da Febraayo 2021.

Injadwalkaas sida loogu talagalay in uu u fulo waxaa horyaalla caqabado badan oo ay ka midyihiin danaha siyaasadda oo midkastoo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar u eeganayo iyo Khilaafka Jubbaland iyo Dowladda Faderaalka oo halkiisa jooga madaama Axmed Madoobe dhawaan Kismaayo ka sheegay in aan Gado doorasho ka dhacay inta ay joogaanka Ciidanka Xoogga.

Soomaaliya oo ah dal aad ugu nugul faragalinta wadama dariska ah, kuwa Khaliijka iyo quwadaha caalamka ayaa sanadkaan waxa ay galaysaa doorasho Tartankeedo badanyahay maadaama ay isha ku hayaan awoodo dibada ah kuwaas oo isugu jira wadamada dariska ah iyo qaar kale oo dano siyaasadeed mid dhaqaale iyo mid Juquraafi ka leh Soomaaliya.

Marka la isku daro in ay soo kabasho ku jirto iyo waaya-aragnimada doorashooyinkii lasoo dhaafay, Soomaaliya waxaa la saari karaa cabirka in ay kamid tahay wadamada u nugul faragelinta shisheeye kasta oo damac leh Muqdisho hadii Xukunadda Nabad iyo Nolol ku guulaysato xakamaynta doorashada Soomaaliya.

Sida ay xaqiijiyeen  ilo diblumaasiyadeed Ma jirto dowlad Safaarad kuleh Muqdisho oo aan ajande ka lahayn doorashada nagus oo fool eh, balse waxa ay ku kala duwan yihiin waa in qorsheyaashooda kala durugsan yahay iyo qaabka mid walba ku goobayo in uu ku soo saarto siyaasiga uu u arko in uu u fulin karo danihiisa Siyaasadeed.

Dano siyaasadeed, jiquraafiyeed, diblumaasiyadeed, dhaqan-dhaqaale iyo marinka ay kaga taala aduunka, waa sababaha ugu waaweyn ee dowladaha u quudareynaynaan in ay saameyn ku yeeshaan doorasha Soomaaliya.

Warbaahinta VOA ayaa dhawaan warisay in qaar kamida wadamada Carabta iyo Turkiga ay si weyn ugu loolamayaan doorashada 2020 iyaga oo kala taageerayo hoggaanka hada talada haya iyo xubnaha mucaaradka oo intooda badan hada ku sugan magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

Wargeyska Africa Inelegance ayaa wariyey in madaxweynaha Turkiga, Recep Tayib Erdogan, uu si gaar ah u doonaya in Farmaajo uu dib u soo laabto si aysan hoos ugu dhicin doorkiisa dhinacyadda siyaasadda, dhaqaalaha iyo milatariga ee geeska Afrika.

Mareegga Sweden kasoo baxa Nordic Monitor oo soo xigtay warbixno iyo illo wareedyo muhiim ah ayaa tibaaxay in Ankara ay u rabto in “faragelinta” arrimaha Soomaaliya ay ku rabto in ay ku balaariso joogitaankeeda Geeska Afrika.

Sidda uu wariyey bogga Al Ceyn, Qadar oo la rumaysanyahay  in maalgelisay ololihii doorashada Hogaamiye Farmaajo ee 2017-kii ay kalkan diyaar u tahay in ay dhisto Farmaajo iyaddoo ku mashruuc ah Turkiga “si ay u ilaashadaan danahooda gobolka iyo Carabta”.

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya oo hoggaamiya xisbiga mucaaradka ah ee Himilo Qaran oo safar iskugu maray Imaaraadka iyo Kenya oo labaduba diidan maamulka Farmaajo ayaa maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay,waxa uuna halkaan ka bilaabi doonaa kulamo uu ku doonayo Villa Somalia 4 sano ee soo socota iyada oo ilo xilkas ah u sheegeen Axadle in uu helay balan qaadyo lagu taageerayo ololihiisa doorashada.

Xasan Cali Khayre Raysul wasaarihii baarlamaanku eryay ee Soomaaliya Safaro ku kala bixiyay Jabuuti iyo Nairobi isaga oo halkaasi uga sii gudbay dalka Turkiga oo uu ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo ganacsata iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku sugan Nairobi waxa uuna wadaa olole balaaran oo uu igu jiro qabashada xilka Hogaamiyaha Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota.

Maadaama aysan shacabka soo xuleyn Xildhibaanadda iyo hogaamiyeaasha, doorashadda Soomaaliya waxaa looga bartay musuqmaasuq, laaluush iyo codadka oo la kala iibsado taasoo murashaxiinta ku riixeysa in ay goobaan taageero ajnabi.

Hadama malaga yaabaa in doorashada Soomaaliya dhacdo faragalin la’aan?

Falanqaynta Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More