Talyaaniga oo Askarta Uganda ku bogaadiyay Howlgalkooda
Danjiraha Talyaaniga ee Dalka Uganda Massimiliano Mazzarati oo qalab loogu talagalay Covid-19 ku wareejiyay hoggaanka Militariga dalkaas ayaa bogaadiyay howlgalka UPDF-ta ee Soomaaliya.
Talyaaniga ayaa militariga Uganda ku wareejiyay labo (neef-siiye) si aan cabur u imaan, waxaana la dhigay Isbitaallada Militariga Bombo & Aqalka Cad oo ah halka lagu daweeyo Ciidamada iyo saraakiisha.
Abaanduulaha Ciidamada Militariga Uganda Gen. David Muhoozi ayaa guddoomay qalabkaan oo la dhigay isbitaallada si looga faaiideysto in lagu guda-jiro xaaladda Covid-19 oo ay suuragal tahay in neefta si dabiici ah Askarta & saraakiisha uu ku dhaco xannuunkaas u qaadan waayaan.
Danjraha Talyaaniga ee Uganada Massimiliano Mazzarati ayaa bogaadiyay kaalinta Xukuumadda Kampala ee ciidamada u diiwaangashay ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya uga howlgalaya AMISOM.
Massimiliano Mazzarati ayaa howlaha nabad ilaalinta Afrika ka socota ku dhiirageliyay Askarta Uganda, waxaana uu ku amaanay ka go’aanta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee Soomaaliya.
Talyaaniga waxaa Soomaaliya ka jooga macalimiin iyo khubaro ciidan oo gacansiiya DFS, Midowga Yurub oo ay fasax ka heystaan & Askarta Ururka Midowga Afrika ee loosoo gaabiyo AMISOM.
Isha: Capital Radio / Axadle.