Gulmudug oo tafaasiil ka bixisay wada-xaajood dhexmaray

Wefdi uu hoggaaminayey Ergayga Xoghayaha Guud QM arimaha Soomaaliya, oo ay qeyb ka ahaayeen qaar kamid ah Wakiiladda beesha caalamka sida EU Nicole Miller, AU Francico Madeira, & IGAD Jamal Ahmed  ayaa Isniinta maanta ah lagu soo dhaweeyay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu soo bandhigay fahfaahin ku saabsan wada-xaajoodyo dhexmaray madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyo diblumaasiyiinta Fadhigoodu yahay xerada Xalane ee magaaladda Caasimadda ah.

“Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr. James Swan, ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Wefdiga uu hoggaaminayey Ergayga Xoghayaha Guud QM ee Soomaaliya, waxaa qeyb ka ah qaar kamid ah Wakiiladda beesha caalamka sida; EU Nicole Miller, AU Francico Madeira, & IGAD Jamal Ahmed. waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb uu kusoo dhaweeyay Hogaamiye ku xigeenka DGG”.

“Intaa kaddib Wefdiga ayaa loo soo galbiyey Xarunta Madaxtooyadda GM. Halkaas oo ay kulan kula qaateen Hogaamiyaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray Arrimaha; Doorashooyinka, xoojinta amniga & Iskaashiga DF iyo DX” ayay raaciyeen qoraalka.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee howlgalka UN-ka ee Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in wadahadalkooda ay diirada ku saareen qodobada hortabinta u leh qaranka waqti xaadirka ee doorashooyinka dalka.

“Wakiilada Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo Qaramada Midoobay oo tegay caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa madaxweyne Qoor-qoor ku bogaadiyey doorkiisa hogaamintiisa ee wadahadaladii u dambeeyay ee doorashooyinka, waxayna hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in lasii wado iskaashiga dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah” ayaa lagu yiri bayaanka.

Socdaalka danjireyaasha ayaa u muuqda mid qayb ka ah safar ay ku marayaan xarumaha maamulada maadaama todobaadkii hore ay ka dageen caasimadda maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo, waxa ayna kala hadleen dar-dargalinta arimaha doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/21.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More