Skip to content
Tuesday, September 22, 2026 9 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:39
Muqdisho 25°C
Breaking: Taoiseach to Emphasize Multilateralism in Address to UN General Assembly
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Madaxweyne Vladimir Putin oo diiday qorshaha Reer

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Moscow (Axadle) – Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Axaddii diiday fikradda ku saabsan in dadka laga soo daad-gureynayo Afghanistan la geeyo dalalka u dhow Ruushka, isaga oo sheegay inaysan dooneyn in “mintidiin iska dhigaya qaxooti ay halkaas tagaan.”

Moscow ayaa xiriir wanaagsan la leh Taalibaan, waxaana mintidiintan uu ka hadlayo loola jeeda kuwa Al-Qacida.

- Advertisement -

Putin ayaa cambaareeyey fikradda dalalka Reer Galbeedka qaarkood, ee ay qaxootiga Afghanistan dib u dejin ugu sameynayaan dalalka deriska la ah ee Bartamaha Asia, inta Visa-ha ay ku galayaan Mareykanka iyo Yurub laga diyaarinayo. 

“Taas ma waxa uu macnaheedu yahay in ayaga oo aan Visa haysan la geyn karo dalalkaas iyo deriskeena, halka Reer Galbeedka aysan dooneyn inay qaadaan Visa la’aan,” ayuu yiri madaxweyne Putin, sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS. 

“Maxay dhibaatadan ugu xalinayaan hab bah-dilaad ah?” ayuu yiri.

Dowladda Mareykanka ayaa wada-hadallo sir ah la yeelatay dhowr dal, ayada oo isku dayeysa inay xaqiijiyo heshiis hoy loogu sameynayo Afgaaniyiinta la shaqeeyey dowladda Mareykanka. 

Putin ayaa sheegay in Ruushka, oo safar bilaa Visa ah u ogol dadka dalalkii horey uga tirsanaa Soviet-ka ee Bartamaha Asia, uu taas kasoo horjeedo.

“Ma dooneyno in mintdiin aan halkan ku aragno, ayaga oo isku qarinaya qaxooti,” ayuu yiri Putin. 

Halka dalalka Reer Galbeedka qaarkood ay la daala dhacayaan inay dad kasoo daad-gureeyaan Afghanistan, ayaa Moscow waxay Taalibaan ku amaantay inay soo celisay kala dambeynta dalka kadib markii ay la wareegtay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in hoggaamiyayaasha Taalibaan ay illaa iyo hadda kasoo baxayaan ballan-qaadkooda. 

“Waxaan aragnaa in hadalkii Taalibaan ee ahaa inay joojinayaan ficillada dagaal, ayna cafis ugu fidiyeen kuwii kasoo horjeeday, la fuliyey,” ayuu yiri Lavrov. 

How do you rate this story?

0 votes