Skip to content
Wednesday, October 14, 2026 2 Jumada al-Ula 1448 AH Dhuhr 11:44
Muqdisho 28°C
Breaking: Burnham to Meet Zelensky in UK After Trump’s Diesel Deal
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Dagaal ismiidaamin ku bilowday oo ciidamada

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Afgooye (Axadle) – Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka waabarigii hore weerar culus  oo ku bilowday isqarxin kusoo qaaday saldhigga ay ciidamada Dowladda ku leeyihiin Buundada Sabiib oo dhinaca koonfur kaga beegan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

- Advertisement -

Dagaalka oo ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa dhawaqa rasaasta laga maqlayey gudaha magaalada Afgooye, wuxuuna dagaalka socday ku dhawaad 2 saac.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa sheegay inay iska caabiyeen ciidamadii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday isla markaasna ay gaarsiiyeen khasaaro xoog leh.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhinaceeda sheegtay inay la wareegtay deegaanka Sabiib oo illaa 8Km u jira Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose, isla markaasna ay dagaalka ku qabsatay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.

Warka kasoo baxay Ururka Al-Shabaab ee ku aadan inay dagaal kula wareegeen degaanka Sabiid ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaan weli ka hadlin saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya & Maamulka degmada Afgooye.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sanad ka hor la wareegay deegaanka Sabiib kadib dagaalo culus oo halkaas ka dhacay, kooxda Al-Shabaab ayaana wixii markaas ka dambeeyey dhowr jeer weeraro gaadmo ah kusoo qaaday saldhigga ciidamada Dowladda.

How do you rate this story?

0 votes