Skip to content
Friday, September 18, 2026 5 Rabi al-Thani 1448 AH Dhuhr 11:52
Muqdisho 29°C
Breaking: Five Killed in Attacks by Houthis, Yemen’s Government and Saudi Arabia
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Ilyaas Gaboose, Waa kuma Senator-ka Guuleystay.

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Kismaayo (Axadle) – Ilyaas Badal Gaboose ayaa noqday Senatorkii ugu horeeyey ee la doortay baarlamaanka 11-aad ee federaalka ah ee Soomaaliya kadib markii uu ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid.

Ilyaas waxaa uu sidoo kale noqonayaa xubin ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka ee ka dhanka ah Nabad iyo Nolol.

- Advertisement -

Haddaba, Waa Kuma Goboose?

Ilyaas Badal Gaboose , waa shakhsi aad ugu dhow madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe,  oo in muddo ah waxaa uu ahaa la taliyaha madaxweynaha iyo gacantiisa mudig.

Waxaa uu Kismaayo ku dhashay 1963-dii, hoose dhexe waxaa uu ku bartay Kismaayo halka sare uu ku dhameeyey Xamar ilaa jaamacad ku dhigtay deeq waxbarasho.

Shaqo ahaan, dowladdii Cabdulahi Yusuf waxaa ay ka dhigtay guddoomiya Jubada hoose, waxaa uuna muddadii dambe ahaa ganacsade iyo nin weyn galangal ugu leh arrimaha siyaasadda Jubbaland iyo la taliyaha madaxweyne Madoobe.

Mar uu maanta la hadlay baaralamaanka Jubbaland waxaa uu sheegay inuu doonayo wax ka badalka nolosha iyo soo celinta qarannimada, in reer Jubbalabd dib u heshiisiin loo furo, keenista xuquuqaha ka maqan xildhibaannada Jubbaland iyo arrimaha amniga.

W/Q: Cabdicaziz Gurbiye

How do you rate this story?

0 votes