Xaaskiisa Ayuu Cunaha Qabtay Dabadeedna Uu Madaxa Ka Feeray

joey Barton ayaa maanta beeniyay inuu dilay xaaskiisa maalmo ka hor sannadguuradii arooskooda.

Tababarahaaan oo 38 sanno jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu cunha qabtay xaaskiisa Georiga oo 35 sanno jir ah dabadeedna uu madaxa ka feeray iyagoo joogay xaflad ka dhaceysay xaafada Kew ee Koonfur Galbeed magaalada London.

Joey Barton iyo xaaskii uu u gacanqaaday

Barton ayaa maanta muuqaal ahaan uga soo muuqday maxkamada Wimbledon Magistrates’ Court isagoo diiday inuu qirto danbiga ah inuu garaacay xaaskiisa.

Xiddigii hore ee Premier League oo haatan tababare ka ah Bristol Rovers ayaa lagu eedeeyay inuu u gacanqaaday xaaskiisa 2dii bishii Juun, labo maalmood ka hor sannadguuradii arooskooda.

Waxaa soo gaaray dhaawaca madaxa ah ka dib markii uu ka feeray iyagoo ku dhex murmay xaflada dhexdeeda.

Maxkamada ayaa loo sheegay maanta in Barton uu cunaha qabtay xaaskiisa islamarkaana uu madaxa ka feeray isagoo nabar weyn oo cabirkiisa uu gaarayo kubada golfka ka gaarsiiyay madaxa.

Xeerilaaliyaha Nahied Khan ayaa tiri: “Ka dib waxay wacday boliiska, waxayna u sheegtay inay dhaawacan tahay oo la dilay. Waxay u sheegtay boliiska inay dooneysay in Mr Barton laga saaro goobta balse aysan dooneynin inay dacwad ka gudbiso.”

“Mr Barton wuxuu ahaa mid khamreysan waqtigaas oo ay xitaa ku adkeyd inuu caawin la’aan istaago.”

Barton ayaa waayihiisa ciyaareed ka bilaabay Manchester City sannadkii 2012 ka dib markii uu ka soo baxay akadeemigooda isagoo u dheelay kooxda 150 kulan. Ka dib wuxuu u wareegay Newcastle ka hor inta uusan ku biirin QPR.

Wuxuu amaah ugu soo ciyaaray kooxda Faransiiska ee Marseille ka hor inta uusan hal ciyaareed u dheelin Burnley isagoo ka caawiyay inay Premier League u soo dalacaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More