Skip to content
Monday, September 28, 2026 15 Rabi al-Thani 1448 AH Dhuhr 11:49
Muqdisho 30°C
Breaking: Somali pirates threaten captive crew as families lose contact with 10 Pakistani sailors
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Sawirro: Wasiirka difaaca dalka Ireland oo lagu soo dhoweeye…

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Muqdisho (Axadle) – Magaalada Muqdisho ee Axadle Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi sare ee oo ka socda dalka Ireland, waxaana garoonka weyn ee diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Wafdigan ayaa waxaa horkacayey wasiirka difaaca Ireland Simon Coveney TD, waxaana garoonka ugu hortegay dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji oo uu welhiyo wasiirka arrimaha dibedda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq.

Sidoo kale waxaa soo dhoweynta wafdigan qeyb ka ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Xasan Maxamed Saciid Samatar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga.

Intaasi kadib ayaa xubnahana waxa ay si wadajir ah salaan ugu qaateen cutubyo ka tirsa Ciidanka xoogga dalka oo u garaacay astamaha labada dowladood.

Booqashadan ayaa aheyd mid aan horey soo sii shaacin, waxaana wasiirka difaaca Ireland Simon Coveney TD inta uu joogo Muqdisho kulamo la qaadan doonaa madaxda dowladda.

Ireland dowladaha waa weyn ee taageera Soomaaliya, waxaana sidoo kale ka fulisaa mashaariicyo kala duwan waxtar u leh dalka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

How do you rate this story?

0 votes