Skip to content
Sunday, October 11, 2026 28 Rabi al-Thani 1448 AH Maghrib 17:47
Muqdisho 27°C
Breaking: UN urges halt to Baidoa fighting as famine, displacement and flood risks worsen
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Lionel Messi Oo Jabiyey Rikoodhkii Cristiano Ronaldo Ee Sawirkii Loogu

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Laacib

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa rikoodh cusub ka dhigay baraha bulshada, gaar ahaan Instagram, kaddib markii uu xulka dalkiisa kula guuleystay Copa America, taas oo soo afjartay abaartii koobab la’aanta ee ka haysatay tartamada caalamiga ah.

Sawir uu ugu dabbaal-degayo guusha iyo koobkii uu la qaaday dalkiisa ayaa waxa uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Instagram, waxaana sawirkaasi uu noqday midkii ugu badnaa ee loogu jeclaa baraha bulshada ee ciyaartoy uu soo geliyo.

Kabtanka Barcelona ayay wax weyn u ahayd guushii 1-0 ahayd ee ay finalkii Copa America ka gaadheen Brazil, waxaanu gacanta ku dhigay koob uu saddex jeer oo hore finalkiisa yimid oo uu ku guul-darraystay, kaas oo ay waliba u dheerayd koob adduun oo sannadkii 2014kii ay isagana finalka soo gaadheen laakiin Jarmalku ka qaaday.

Sawir uu dhex fadhiyo qolka lebbiska ee garoonka Maracana Stadium ee magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil, isla markaana uu gacanta bidix ku hayo koobka ayaa uu Messi soo geliyey bartiisa bulshada ee Instagram, waxaana ka falceliyey oo calaamadda ‘LIKE’ ama ‘ka helitaanka ah’ saaray in ka badan 20 milyan oo qof, waxaanu sidaas ku noqday sawirkaasi midkii ugu badnaa abid ee ciyaartoy uu soo geliyo.

Waxa uu sawirkani jabiyey rikoodhkii Cristiano Ronaldo oo sawir uu bartiisa soo dhigay uu haysan jiray figta ugu sarraysa ee sawirrada ugu ‘LIKE’ badan baraha bulshada.

Lionel Messi ayaa sawir uu soo dhigay bartiisa kaddib geeridii Diego Maradona waxa ‘LIKE’ saaray 19.8 milyan oo qof, laakiin sawirkiisa hadda ayaa rikoodhkaas dhaafay.

How do you rate this story?

0 votes